fredag, mars 29, 2024

Dhimashada Sweden oo 146 qof gaartay oo dowlada dalkaas oo wali is adkeyneysa.

146 qof ayaa Sweden u dhintay feyruuska Corona, waa sida uu shir saxaafadeed ka sheegay Anders Tegnell oo ka hawlgala heeyada caafimaadka bulshada, arrimaha la xidhiidha feyruuskan na u qaabilsan.

Dhanke kale ayey kordhayaan gobolada ka cabanaya in aaney haysanin qalabka shaqaalahoodu iskaga difaaci lahaayeen cudurkan.

-Berri ayaan dhabbatus ku saabsan qalabkan shaacin doona. Ta kale aanu tirokoobka ka aragnay ayaa ah in ay dadka qaada Corona u badan yihiin rag, sababta weli ma ogin laakiin waa arrin aanu baadhayno, ayuu sheegay Anders Tegnell.

Shirkii maalinlaha oo ay dhowr heeyado goob joog ka ahaayeen ayey maamulka hoggaanka bulshaddu ay shacabka dalkan kula talliyeen  in aaney degmooyinka kale ee dalkan u safrin fasaxa booskiga oo dhowaan bilaabmi doona. Sababta ayaa ah in culeeyska looga yareeyo dadka ka shaqeeya daryeellada caafimaad ee dalkan.

Maalinba maalinta xigta ayey soo badanayaan tirada qof ee qaada cudurkan oo hadda gaadhay 4000 oo qof. 306 ka mid ah ayaa la xaqiijiyay in ay u baahan yihiin daryeel joogto ah amba intensivvård. Xaaladdu waxeey ugu adag tahay gobolka Stockholm halku feyruusku si xoogan hadda ugu fidayo.

Dalka Sweden ayaa xiligan ah dalka kali ah ee Yurubta Woqooyi kuyaal ee aan xirin iskuulada iyo goobaha dadweynaha ama garoomada diyaaradaha. Waxeyna Sweden ku adkeysaneysaa in xayiraadu aysan dhimashada yareyn karin, burbur dhaqaalaha uu ka dhalanayo.

Xigasho/kilde: Sverigesradio, qeybta afka soomaaliga.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x