fredag, april 26, 2024

Denmark: Dhamaan iskuulada iyo xarumaha xanaanada oo albaabada loo laabay.

Reysulwasaaraha dalka Denmark, Mette Frederiksen oo caawa fiidkii shir jaraa´id qabatay ayaa sheegtay in dowlada dalka denmark ay go´aansatay in mudo labo isbuuc ah la xiro dhamaan iskuulada dalkaas kuyaal iyo waliba xarumaha xarumaha xanaanada caruurta(Barnehage).

Waxeyna go´aankan ku sababeysay in looga hortagayo faafitaanka cudurka Corona-virus aad si xawli ah ugu fidayo gudaha dalka denmark. Inta la xaqiijiyay waxaa dalka Denmark ilaa hada caabuqa Corona virus laga helay 442, kuwaas oo 180 kamid ah cudurka laga helay 24-kii saac ee ugu danbeeyay.

Mette Frederiksen ayaa sii raacisay in sidoo kale albaabada loo laabi doono xarumaha dadweynaha ee dowliga ah, iyada oo sidoo kale ka codsatay in xarumaha gaarka loo leeyahay ay xiraan goobaha dadweynaha, ilaa xal loo helayo faafitaanka cudurka Corona-virus.

Xigasho/kilde: Danmark stenger alle skoler og barnehager.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x