Tagaasileyda Norway oo diiday inay qaadaan dadka qaba Corona-Virus.

0
161

Ururka ay ku mideysanyihiin tagaaliseyda Norway(Taxi Forbundet), ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in darawalada tagaasidu aysan qaadi doonin bukaanada qaba ama looga shakiyo caabuqa Corona-Virus oo aad ugu sii fidiyo Norway.

Sharciga gaadiidka ayaa awal tagaasileyda ku qasbi jiray inay qaadaan bukaanada xanuunsan, si looga hortago in dadka lagu dulmiyo xanuunka ama jirada. Balse ururka tagaasileyda Norway ayaa sheegay in kiiskan uu ka duwanyahay kiisaskii hore, ayna la xiriireen,wasaarada caafimaadka oo ay la socodsiiyeen xaalada jirto.

Waxeyna warsaxaafadeedka ku sheegeen in wasaaradu ay ay ku raacday in darawaladu ay diidi karaan inay qaadaan bukaanada qaba ama looga shakiyo Corona-Virus, si looga hortago inuu cudurku sii faafo. Waxeyna raaciyeen in wasaarada caafimaadka ay dhawaan soo saari doonto amaro arintaas ku saabsan.

Taxi-forbundet ayaa sii raacisay in hadii darawalada tagaasida looga shakiyo inay qaadeen cudurkaas laga joojin doono ogolaanshaha, ilaa inta xaaladiisa caafimaad laga xaqiijiyo.

Xigasho/kilde: Norges Taxiforbund (NT) vil ikke at drosjer skal kjøre pasienter som er smittet av koronaviruset..

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments