Sweden: Gawaari gaashaaman oo laga xaday xero ciidan!.

0
131

Laba ka mid ah baabuurta aysan xabbaduhu karin oo gaashaaman oo ay leeyihiin ciidammada dalka Sweden, ayaa laga xaday goob milateri oo ku taala magaalada Enköping. Mid ka mid ah gawaarida ayaa laga helay banaanka magaalada Västerås. Halka midkii kale aan weli gacanta lagu dhigin.

Xatooyadan ayaa la ogaaday gelinkii dambe ee arbacadii shalayto, iyadoona uu ciidanka ammaanku baaris ku sameeyay goobtii gawaarida laga xadey gelinkii hore ee khamiista maanta.

– Mid ka mid ah labadii gaari ee la xaday ayaa la heley, sida uu sheegay Jesper Tengroth, ahna gacan yare ka howl gala laanta saxaafadda ee wasaaradda difaaca.

Xigasho/kilde: Sverigesradio-Somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments