Ajaaniibta uu akhriska ku adagyahay oo aan helin caawintii ay xaqa u lahaayeen, marka ay galayaan imtixaanka Norwiijiga.

0
149

Dhibaatada «Dysleksi» waa mid kamid ah dhibaatooyinka qofka kahor istaago inuu si fudud wax u akhriyo ama u qoro, waana dhibaato maskaxda qofka ku adkeyso inuu fahna waxa uu akhrinayo, waxeyna dib u ridaa awoodiisa akhriska ama qoraalka.

Ardeyda dhigata jaamacadaha Norway iyo dugsiyada sare ee qabta dhibaatada «Dysleksi » ayaa hela caawin dheeri ah oo u fududeyso inay fahmaan qoraalka imtixaanka, waxaana qofka qaba «Dysleksi» lagu fiiriyaa il gaar ah, maadaama uusan lamid noqon karin qofka kale ee aan «Dysleksi » qabin.

Ajaaniibtu ma helaan caawin:

Dadka waaweyn ee ajaaniibta ah ee qaba «Dysleksi», ayaa sida la ogaaday aan helin caawinta dheeriga ah oo ay xaqa u lahaayeen, marka ay galayaan imtixaanka luuqada Norwiijiga.

Caawintaas ayaa ka koobnaan karto computer ama Ipad qofka u akhriyo qoraalka imtixaanka, mid ka caawiyo sixitaanka ereyada Norwiijiga ah, in waqtiga imtixaanka loo dheereeyo iyo in qeybo kamid ah imtixaanka qoraalka ee Norwiijuga loogu badalo mid afka ah.

Arintan ayaa abuurtay dood ku saabsan in dadka ajaaniibta ah loola dhaqmo, si ka duwan sida dadka wadanka u dhashay loola dhaqmo. Waxaana la codsaday in arintaas wax laga badalo.

Imtixaanjka Norwiijiga ah ayaa sanadihii ugu danbeeyay noqday mid aad u muhiim ah, maadaama shaqooyin badana ay bilaabeen inay qofka ajnabiga ah ka dalbadaan inuu qaatay imtixaanka Norwiijiga ah ee B1. Sidoo kale waxbarashada jaamacadaha ayaa qofka lagu xiraa inuu dhameeyay imitxaanka B2.

Xigasho/kilde: Innvandrere med dysleksi forskjellsbehandles under norskprøven

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments