Oslo: 428 maalin kadib markii uu dhintay, ayaa lafahiisa laga helay qolkii uu kaligiis degenaa.

0
90

Booliska Oslo ayaa lafaha meydka nin kontomeeyo jir ah ka helay qolkii u degenaa, 428 maalin kadib markii uu geeriyooday. Waxaana maqnaanshaha ninkan booliska ku wargaliyay shaqaalaha xafiiska uu kaalmada dhaqaale ka heli jiray ee NAV.

Ninkan ay boolisku meydkiisa ka heleen qolkiisa ayaa bishii May ee sanadkii 2018 soo codsaday in loo cusbooneysiiyo heshiiska kirada guriga uu degenaa, kaas oo ah guri dowladeed(kommune). Ninkan ayaa wixii ka danbeeyay xiligaas, waxaa la waayay warkiisa, isaga oo aan kasoo jawaabin warqada saxiixa heshiiska oo gurigiisa loogu diray.

Shaqaalaha NAV ayaa bishii August ee sanadkii 2019, markii uu ninkan kasoo jawaabi waayay warqadaha loo diray, booqasho ku tagay gurigiisa, waxeyna arkeen inay buuxdo sanduuqa boostada ee gurigiisa. Iyaga oo isla markiiba wargaliyay booliska.

Booliska ayaa jabiyay guriga uu ninkan degenaa, waxeyna u tageen meydkiisa oo lafo isku badalay. Ninka geeriyooday oo asal ahaan Norwiiji ah ayaa lagu magacaabi jiray Stein Erik Holst.

Danbiyaarayaasha booliska oo baaritaan ku sameeyay lafaha meydka ninkan ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday 428 maalin kahor inta aan meydkiisa la helin. Iyaga oo sheegay iney adagtahay in la xaqiijiyo sababta geeridiisa, maadaama uu meydkiisa isku badalay lafo, aysana lafahana ka muuqan wax dhaawac ah.

Mukhaadaraad ayuu adeegsan jiray:

Ninka geeriyooday ayay boolisku xaqiijiyeen inuu ahaa qof adeegsada mukhaaraadka, isaga oo marar badan loo xukumay fal danbiyeedyo arimahaas la xiriira.

Gabdho uu ninka geeriyooday dhalay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gooyeen xiriirka aabahood sanooyin badan kahor, maadaama uu gacanqaadkiisu badnaa, marka uu mukhaadaraadka adeegsado kadib.

Gabdhaha ninkan geeriyooday ayaan wali ku qanacsaneyn jawaabta booliska ee sababta geerida aabahood, iyaga oo sheegay inay u baahanyihiin baaritaan dheeri ah. Si loo xaqiijiyo sababta keentay geerida aabahood.

Xigasho/kilde: Lå død i 428 dager før noen reagerte

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments