Dowlada: Hala musaafuriyo darawalada Ajnabiga ah.

0
82
Wasiirada cadaalada Norway

Sanadihii ugu danbeeyay, waxaa aad usoo badanayay cabashooyinka laga soo gudbinayo darawalada ajaaniibta ah ee gudaha Norway ka howlgala, gaar ahaan kuwa ka shaqeeyaa baabuurta xamuulka ah ee waaweyn.

Waxaana la diiwaangaliyay shilal badan oo ay sabab u ahaayeen darawalo ajaaniib ah oo aan aqoon fiican u laheyn sharciyada wada-marista Norway ama aan u baran ku shaqeynta cimilada qabowga ah ee Norway. Iyada oo marar badan la qabtay darawalo baabuurta ku wado taayarada xagaaga, iyada oo lagu jiro xiliga qaboobaha ee barafka. Sidoo kale waxaa la qabtay darawalo ajaaniib ah oo

Darawalada Norwiijiga ah iyo guud ahaan dadka ka shaqeeyo xirfadaha la xiriira, ayaa dowlada Norway horey marar badan cabasho uga gudbiyay arintan, iyaga oo ka codsaday in wax laga qabto.

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mæland ayaa hada sheegtay in dowladu ay rabto in la musaafuriyo darawalada ajaaniibta ah ee heysta sharciyada kumeel gaarka ah, isla markaana lagu qabto inay jabiyeen xeerarka wado-marista Norway. Ama sababo shilalka halista ah.

Shirkadaha Norwiijiga ah ee ka shaqeeya xamuulka ayaa darawalada ajaaniibta ah ee ka imaada Yurubta bari, ka doorbida kuwa Norwiijiga ah, maadaama qarash ahaan, mushaarkoodu uu aad uga hooseeyo kuwa Norwiijiga ah.

Xigasho/kilde: Vil utvise utenlandske sjåfører

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments