Abid Raja: Waxaa iisoo hanbalbeeyay R.W Soomaaliya, saaxiibkey Xasan Cali Kheyre.

0
148
Sawirka waa 2010, ololihii TV-Aksjon ee hey´adda NRC. Waxaa ka muuqdo Xasan Cali Kheyre oo xiligaas NRC katirsanaa iyo Raja oo hada wasiir ah.

Wasiirka cusub ee dhaqanka iyo sinaanta dowlada Norway, Abid Raja ayaa bogiisa Twitterka kusoo daabacay qoraal uu ku sheegayo inuu telefoon kadis ah, oo hanbalyo ah uu ka helay reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Raja oo asal ahaan Pakistan kasoo jeedo ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibkii Xasan Cali Kheyre ay xusuusteen xiligii ardeynimada iyo jaamacada Blindern ee magaalada Oslo. Wuxuuna sii raaciyay in Xasan Cali Kheyre oo Soomaali-Norwiijiyaan ah, uu hayo mid kamid ah shaqooyinka ugu adag aduunka.

Isaga oo u rajeeyay guul ah inuu Soomaaliya ka dhaliyo nabad waarta.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments