Soomaaliya oo soo qaadaneyso gabdho Norway ka tagay oo Daacish ku biiray.

0
88
Labada gabdhood ee walaalaha ah Foto: Interpol

Sida ay maalmo kahor qoreen warbaahinta dalkan Norway, gaar ahaan Aftenposten, dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo qaadi doonto, dalkeedana ay keeni doonto labo gabdhood oo Soomaali-Norwiiji ah oo sanadkii 2013 ku biiray ururka Daacish.

Labadan gabdhood oo walaalo ah ayaa ka tagay magaalada Bærum, wuxuuna kiiskooda caan noqday markii laga qoray buug aad loo iibsaday oo lagu magacaabo to søstre. Halka kasii akhri.

Safiirka Soomaaliya ee EU-da, Cali Siciid Fiqi ayaa warbaahinta Norway u sheegay in hadii dowlada Norway ay diido in gabdhahaas ay dalkeeda usoo qaado, ay Soomaaliya keeni doonto dalkii ay waalidkood kasoo jeedaan ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee EU-da ayaa sheegay in labadan gabdhood ay kamid yihiin ku dhawaad 90 gabdho soomaali ah oo ka tagay dalalka galbeedka, kuwaas oo ku biiray ururka Daacish, hadana ku sugan xeryaha qoxootiga Siiriya. Wuxuuna sheegay in soo celinta gabdhahaas ay qaadan karto mudo dheer, maadaama ay adagtahay inay kasoo baxaan xeryaha qoxootiga Siiriya oo gacanta ay ku hayaan maamulka Kurdida Siiriya.

Dalal badan oo Yurub ah ayaa diidan in dadka ku biiray ururka Daacish ee heysta dhalashadooda lagu soo celiyo dalalka galbeedka. Halka qaar kamid ah kuwii soo noqdeyna la saaray maxkamado, iyaga ku eedeysan danbiyo la xiriira ka qeybqaadasho falal argagaxisnimo.

Safiirka Soomaaliya ee EU-da ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gabdhaha Daacish ku biiray ee Soomaaliya lagu soo celiyo, aysan mari doonin wax maxkamad ah. Isaga oo ku sababeeyay in Soomaaliya aysan ka tagin, markii ay Daacish ku biirayeen.

Xigasho/kilde: De to norsksomaliske søstrene vil ikke bli straffet i Somalia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments