Sylvi Listhaug oo 4 isbuuc kadib, hadana waayi doonto xil wasiirnimo.

0
92
Foto: Skjerdump/NRK

Xisbiga Frp ayaa maanta sheegay inay ísaga baxeen xukuumada Erna Solberg, taas oo ka dhigan in dhamaan wasiirada Frp ah ee xilka ka hayo xukuumada Solberg ay wareejin doonaan furaha wasaaradaha.

Mid kamid ah wasiirada xilkooda waayi doono ayaa ah Sylvi Listhaug oo 4 isbuuc oo kali ah kahor loo magacaabay wasiirka shidaalka iyo Tamarta. 18-kii bishii Desember ayaa Listhaug oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Frp loo magacaabay wasiirka shidaalka, waxaana lala magacaabay Terje Søviknes oo la wareegay wasaaradii hore ee Listhaug, noqdeyna wasiirka xanaaneynta iyo caafimaadka dadka waaweyn.

Listhaug oo aad usoo caanbaxday xiligii ay aheyd wasiirka soo galootiga, ayaa waayi doonto wasaaradii labaad mudo 2 sano kayar. Waxaana lagu xusuustaa sharciyo adag oo ajaaniibta iyo qoxootiga ka dhan ah, kuwaas oo ay soo saartay xiligii ay aheyd wasiirka soo galootiga.

Go´aanka ka bixitaanka xisbiga Frp ee xukuumada Erna Solberg ayaa abuuray qal-qal siyaasadeed oo Norway ka socon doono maalmaha iyo isbuucyada soo socdo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments