fredag, mars 29, 2024

Magaca ninkeeda ayay deyn ku qaadatay: waxaa lagu xukumay xabsi iyo magdhow milyan ku dhow.

Sida uu qoray NRK, haweenay 40-meeyo jir ah oo degan gobolka Sunnmøre ayaa lagu xukumay 5 bilood oo xabsi ah, iyo inay ninkeeda siiso magdhow dhan 800.000 kr.

Maxkamada ayaa haweeneydan ku heshay danbi ah inay magaciisa bankiga dhowr mar kaga qaadatay lacag deyn ah, iyada oo aan isaga ogolaansho weydiisan. Waxeyna lacagtaas ku cayaartay khamaar.

Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay danbi ah xaditaanka aqoonsiga qof kale, iyo khiyaano dhaqaale oo daran. Waxaana lagu xukumay 5 bilood oo xabsi, iyo inay ninkeeda siiso lacag magdhow ah oo gaareyso 800.000 kr.

Xigasho/kilde: NRK

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x