5 qodob ogow: Maxey ka dhigantahay ka bixitaanka Frp ee xukuumada Norway?

0
169
Foto: Regjeringen.no

Xisbiga Frp ayaa maanta sheegay inay isaga baxeen xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg, go´aankaas oo ahaa mid ay xisbigaas horey ugu goodiyeen inay sameyn doonaan, hadii aan laga aqbalin dhowr shuruud oo ay wataan.

Hadaba maxey ka dhigantahay ka bixitaankooda, maxaana dhici kara:

1: Maxay xukuumada uga baxeen:

Frp oo ahaa xisbi katirsanaa xukuumada Erna Solberg lixdii sano iyo barkii ugu danbeeyay, ayaa mar walba ahaa xisbi mararka qaarkood u dhaqma xisbi mucaarad oo kale ah. Xitaa iyaga oo xukuumada kujiro ayay marar badan diideen go´aamo ay qaadatay xukuumada ay qeybta ka ahaayeen, iyaga oo mararka qaarkoodna kasoo horjeedsan jiray go´aano ay soo jeediyeen xisbiayda ay isbaheysiga isla yihiin.

Waxaa horey u jiray kiisas badan oo ay Frp kaoso horjeedeen xukuumada ay ka tirsanaayeen, balse waxaa go´aankooda soo daj-dajiyay soo qaadista Norway la keenay gabar u dhalatay dalka Pakistan oo heysata dhalashada dalkan Norway, horeyna uga mid aheyd ururkii burburay ee Daacish. Halkan kasii akhri.

Go´aankaas oo ay dowlada gaartay iyada oo Frp ay kasoo horjeedaan, ayay sheegeen inuu ahaa midkii ugu danbeeyay ee dulqaadkooda xuduudka gaarsiiyay, waa sida ay sheegeen. Kaas oo ah kan hada sababay inay xukuumada isaga baxaan.

2: Xukuumada Solberg ma dhici doontaa mise?

Jawaabta gaaban waa maya, laakiin jaaniska ah inay si awood ah u leh ayaa noqon doono mid aad u gaaban. Frp waxey sheegeen inay mucaarad noqon doonaan, balse kalsoonida hogaanka xukuumada wali kala aysan noqon xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

Waxeyna reysulwasaaraha ku qasbantahay hada inay wadanka sii hogaamiso, iyada oo ay la shaqeyneyso xisbiyada yar yar Krf iyo Venstre, garabna ka fili doonto xisbiga Frp oo noqon doonto jookarka baarlamaanka. Waxey mar walba taageero u doonan doontaa xisbiga Frp oo xukuumadeeda ka maqan, halka markii hore aysan arintaas u baahneyn.

3: Goormee ayay xafiisyada wasaaradaha ka bixi doonaan:

Frp ayaa heysta dhowr wasaaradood oo laf dhabar u ah dowlada Norway, gaar ahaan wasaaradda maaliyada iyo tan cadaalada. Wasiirada Frp ayaa isla maantaba diyaarin doono warqadaha istiqaalada iyo wareejinta xilka wasaaradaha, waxeyna xilkaas sii heyn doonaan si kumeel gaar ah inta ay Solberg soo magacaabi doonto wasiiro cusub.

4: Heshiis cusub ma u baahanyihiin?

Xisbiyada Høyre, Frp, Venstre iyo krf ayaa wadanka ku hogaaminayay heshiis afar geesood ah oo ay wada galeen sanad iyo bar kahor. Heshiis oo ahaa jaantuska shaqooyinka iyo siyaasada dowlada, ahaana mid ay xisbiyadu wada saxiixeen.

Maadaama ay Frp ka baxeen xukuumada, waxaa su´aal ka taagantahay inay Solberg ay u baahnaan doonto heshiis cusub oo labada xisbi ee kale ay ka gasho, iyo inay wali sii adeegsan doonto heshiis hore ee Frp wax ka saxiisay.

5: Qaabkee u wada shaqeyn doonaan:

Frp ayaa sida ay sheegeen noqon doono xisbi mucaarad ah oo baarlamaanka katirsan. Erna Solberg ayaa wali u baahan taageerada xisbiga Frp, si ay u meelmarsato go´aanada dowladeeda. Arintaas ayaa culeys xoogan ku noqon doonto Erna Solberg, waxeyna wiiqi doontaa awoodadeeda siyaasadeed.

Dhanka kale Frp ayaa heli doono culeys iyo awood siyaasadeed oo kiisaska qaarkood ah, balse waxay lumin doonaan awooda fulinta oo ay aheyd mid ay dadka ajaaniibta ah ku dhibaateyn jireen. Maadaama ay iyagu heysteen wasaaradaha ugu culus ee saameyn ku leh ajaaniibta, gaar ahaan wasaarada cadaalada.

Xigasho/kilde: Fem spørsmål og svar om Frps brudd med regjeringen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments