Redd barna: Wasiirka qoyska si toos ah ha usoo faragaliyo Kiiska Yaasmiin.

0
94
Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Madaxa hey´adda badbaada caruurta Norway ee Redd Barna, Monica Sydgård ayaa wasiirka qoyska Norway, Kjell Ingolf Ropstad ka codsatay inuu si toos ah usoo gacangaliyo waxna, ka qabto Kiiska Yaasmiin Kristensen oo ah gabar soomaali ah, ahna hooyada afar caruur ah.

Wasiir Ropstad ayaa jimcihii sheegay inuu aaminsanyahay inuu shaqsi ahaan aaminsanyahay in Yaasmiin si qaldan loola dhaqmay, balse isagu uusan wax ka qabin karin wasiir ahaan. Maadaama kiiskeeda ay maxkamada sare go´aan ka gaartay. Halkan kasii akhri

Balse madaxa hey´adda Redd barna ayaa aaminsan in wasiir Ropstad uu ka tirsanyahay xukuumada fulineyso go´aamada sababa in la kala dheereeyo waalid iyo ilmihiis, sida kiiska Yaasmiin oo kale. Waxeyna sheegtay in wasiirku uu leeyahay awood wasiirnimo oo uu kiiskan kusoo dhexgali karo, isaga oo adeegsanayo awoodiisa sharciyeed ee qaanuuniga ah.

Sidoo kale waxey sii raacisay inay soo badanayan kiisaska la xiriira kala dheereynta waalidka iyo ilmihiisa, sidaas darteed ay wasiirka uga fadhiyaan inuu soo saaro sharciyo arintaas lagu xadidi karo saameynteeda. Uuna sheego taariikh go´aan oo sharcigaas baarlamaanka loo gudbinayo, intii uu hadal kali ah ku joogsan lahaa.

Xigasho/kilde: Redd Barna krever at familieministeren ordner opp: – Gjør noe med det da.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments