Frp oo ku hanjabay inay Dowlada Solberg isaga baxi doonaan, gabadhii Siiriya laga soo qaaday darteed.

0
89
Foto: Skjermdump/nrk

Dowlada Norway ayaa maalin kahor ku dhawaaqday inay Xero qoxooti oo kutaal dalka Siiriya kasoo qaadi doonto hooyo u dhalatay dalka Pakistan, heysatana dhalashada Norway iyo labo ilmood oo ay dhashay.

Mid kamid ah ilmaha ay dhashay haweeneydan horey uga tirsaneyd kooxda Daacish ayaa la il daran xanuun, waxeyna dowladu sheegtay in gar-gaar caafimaad ay u fidineyso hooyadaas, loona soo qaadi doono Norway. Halkan kasii akhri.

Frp: Dowlada waan ka baxeynaa.

Xisbiga Frp ee katirsan afarta xisbi ee ku mideysan xukuumada Erna Solberg, ayaa aad uga soo horjeeday in Norway loo soo qaado dadka horey ugu biiray ururada argagaxisada. Waxeyna sheegeen in kiiska haweeneydan ay dowladu go´aan ka gaartay, iyaga oo xisbiga Frp uu si cad uga soo horjeedo. Waxeyna hada ku hanjabeen inay isaga bixi doonaan xukuumada ay hogaamiso Solberg, ayna ka fiirsan doonaan la shaqeynteeda.

Gudoomiyaha xisbiga Frp, ahna wasiiradda maaliyada ayaa sheegtay in wixii intaas ka badan aysan usii dulqaadan karin arrimaha iyaga oo kasoo horjeedo ay dowladu marsiineyso, waxeyna ku hadal qabsatay oraahda ah: «Koobku wuu buuxsamay».

Shir deg-deg ah oo ay shaley isugu imaadeen xubnaha ugu muhiimsan xubnaha dhexe ee xisbigaas, ayay ku sheegeen inay dhawaan soo saari doonaan shuruudo cad oo ay hor dhigi doonaan reysulwasaare Erna Solberg.

Xubnaha baarlamaanka xisbiga Frp, ayaa iyagana ku doodayo in la joogo xiligii ay kuraasta dowlada u firaaqeyn lahaayeen xukuumada Solberg.

Dhanka kale, labada xisbi ee Krf iyo Venstre ayaa aad usoo dhaweeyay go´aanka dowlada, iyaga oo sheegay in ficilka waalidka aan loo ciqaabi karin ilmaha heysta dhalashada Norway ee waalidkood ay Daacish ku biireen.

Dhanka kale hey´adda nabaddsugida Norway ayaa sheegtay inay xabsiga dhigi doonaan haweeneydan, marka ay Norway soo caga-dhigato, laguna soo oogi doono danbi la xiriira argagaxiso.

Xigasho/kilde: Siv Jensen er klar på at utfallet av IS-striden kan bli at Frp forlater regjeringen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments