Norway: Wasaarada cadaalada oo wasiirkii 7-aad loo magacaabay 6 sano gudahood.

0
94
Wasiirada cadaalada Norway

Reysulwasaaraha Erna Solberg ayaa maanta soo dhistay golaheeda cusub ee wasiirada, 4 maalin kadib markii xisbiga Frp uu ka baxay xukuumada ay hogaamiso. Waxeyna soo magacowday 19 wasiir oo 11 ay xisbigeeda ka socdaan, halka labada xisbi ee Venstre iyo Krf ay mid afar xisbi heleen.

Wasiirkii 7-aad: Hal wasaarad iyo lix sano.

Erna Solberg ayaa maanta Monica Mæland oo katirsan xisbiga Høyre u magacowday wasiirka cusub ee cadaalada iyo amniga. Waxeyna Monica noqon doontaa wasiirkii 7-aad ee wasaaradaas loo magacaabo lixdii sano ee xilka reysulwasaare ay heystay Erna Solberg.

Monica ayaa horey u ahaan jirtay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, iyada oo xilkaas heystay shantii sano ee ugu danbeysay.

Wasaarada cadaalada ee haweeneydan loo magacaabay ayaa ah wasaarad awood xoogan ku leh dhaqangalinta kiisaska la xiriira soo galootiga iyo qoxootiga. Waxaana wasaaradan hoos taga hey´addaha ka shaqeeyo kiisaska ajaaniibta iyo qoxootiga.

Xigasho/kilde: Monica Mæland blir justisminister

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments