Wasiirka cadaalada oo ka hadlay kiiska hooyo Soomaali ah oo maxkamada sare ay xukuntay.

0
159
Jøran Kallmyr : Wasiirka cadaalada Foto: Skjermdump/TV2

Wasiirka cadaalada Norway ayaa wareysi gaaban oo uu siiyay wargeyska NRK kaga hadlay kiiska gabar soomaali ah oo maxkamada sare ee Norway ay ka xukuntay kiis kala dhaxeeyay hey´adda qoxootiga.

Yaasmiin Kristensen oo ah hooyada afar caruur ah ayay maxkamada sare ka xukuntay kiis mudo dhowr sano ah soo jiitamayay oo ka dhaxeeyay, iyada oo hey´adda qoxootiga Norway.

UDI-da ayaa Yaasmiin ku eedeysay inay ka been-sheegtay aqoonsiga dhalashada shaqsiyeed, markii ay iska dhiibeysay Norway. Iyada oo sheegatay inay kasoo jeedo Soomaaliya, balse asal ahaan ka timid Jabuuti. Halkan kasii akhri.

Wasiir: Been ma aqbali karno.

Wasiirka cadaalada Norway, Jøran Kallmyr oo Frp katirsan ayaa ka hadlay kiiska gabadhan soomalida ah. Wuxuuna sheegay in kiiskan uu ku saabsanyahay been la sheegay, si qofku uu u helo magangalyo uusan xaq u laheyn. Taasna ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

Isaga oo raaciyay ineysan jirin sabab oo su´aal uga keeni karo go´aanka ay maxkamada sare ka gaartay kiiska gabahdan soomaalida ah oo lagu heysto been ay sheegtay 19 sano kahor, taas oo hada nolosha qoyskeeda dhibaato weyn ku keeni karto.

Dhanka kale xisbiga SV ayaa dhawaan soo jeedisay sharci lagu xadidayo kiisaska la xiriira tarxiilka, hadii saameyn ay ku yeelan karto caruur qofka ku xiran oo Norway kunool.

Xigasho/kilde: Justisministeren om utvist firebarnsmor: – Vi aksepterer ikke forsøk på juks

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments