UK: Mo Farah walaalkiis oo Soomaaliya dib loogu celiyay kadib xabsi uu dhameystay

0
131

Wiil la shashay orodyahanka caanka ah ee u orda waddanka Britain, balse asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliiya Mo Farah ayaa dalka Ingriiska laga musaafuriyay kadib markii uu soo dhameystay xabsi afar sano iyo bar ah.

Axmed Faarah oo wiikan lagu magacaabo ayay da`diisu tahay 30, waxaana uu hada ku sugan yahay magaalada Burco ee Somaliland.

Sannadkii 2011-ka ayaa lagu helay dambi ah in uu adeegsaday mindi, dabadeedna warbixinno been ah u sheegay booliska.

Jaraa`idka Sunday Mirror ayuu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu soo laabto dalka Ingriiska, uuna ka dalbanayo dowladda UK in ay fursad cusub siiso si uu u caddeeyo in uu noqday qof isbaddelay oo qaanuunka dhowraya.

Walaalkiis ka weyn ee caanka ah Mo Farah (36-jir) ayuu sheegay in eysan isla hadal muddo 20 sano ah, waxaana uu meesha ka saaray tuhun ah in uu Mo Farah qeyb ka ahaa musaafurintiisa Soomaaliya.

Waxa uu ka qoomameeyay faldambiyeedyada uu galay ee uu ku muteystay in dalka Britain laga soo musaafuriyo, waxaana uu intaasi raaciyay in haddii uu ogaan lahaa in natiijadan ay ka dhalaneyso uu waxdambi ah iska ilaalin lahaa.

Axmed ayaa Ingriiska galay isaga iyo qoyskiisa isaga oo 3 jir ah, walaalkii Mo Farahna 8 jir ahaa, kadin markii ay kasoo qexeen dagaalladii sokeeyay sannadkii 1991-dii.

Mo Farah ayaa horay u sheegay in uu ku dhashay magaalada Muqdisho.

Xigasho/kilde: Mo Farah’s brother deported to Somalia after being released from prison

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments