Wasiir: Suurtogal ma ahan furitaanka xarumo»barnevern» oo islaami ah.

0
135
Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Dalada ay ku mideysanyihiin ururada islaamiga Norway ee IRN, ayaa shaley soo jeedisay in la furo xarumo barnevern islaami ah, si loo ilaaliyo dhaqanka iyo asalka ilmaha muslimiinta ah ee masuuliyada xanaanadiisa laga wareejiyo waalidkiis.

Gudoomiyaha dalada ururada islaamiga ee Norway, Cabdiraxmaan Diiriye ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Vårtland ku sheegay in waalidiin badan oo ajaaniib ah ay shaki ka qabaan barnevernka. Sidaas darteed furitaanka xarumo barnevern islaami ah ay kamid noqon karto hababka lagu ilaalin karo dhaqanka iyo asalka diineed ee ilmaha, laguna kordhin karo kalsoonida waalidka ee nidaamka barnevernka.

Soo jeedinta IRN ayaa timid, kadib markii dowladu ay dib u eegis sharciga ilaalinta xanaanada caruurta u dirtay baarlamaanka, si loogu sameeyo isbadal. Waxeyna dowladu sheegtay inay rabto in xooga la saaro, waxa u fiican ilmaha.

Wasiirka ilmaha iyo qoyska: Suurtogal ma ahan.

Wasiirka ilmaha iyo qoyska dowlada Norway, Kjell Ingolf Ropstad ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Vårtland ku sheegay ineysan suurtogal aheyn furitaanka xarumo barnevern islaami ah. Balse taas badalkeeda ay dowladu kor u qaadi doonto tayada adeegyada xarumaha barnevernka dowlada.

Wasiirka ayaa sheegay ineysan taladu ugu jirin taageero la siiyo xarumo barnevern oo diin ku dhisan, hadii ay muslim noqon lahaayeen iyo hadii kaleba. Wuxuuna raaciyay in dowladu ay u kor u qaadi doonto aqoonta dadka ka shaqeeyo xarumaha barnevernka dowlada.

Xigasho/kilde:Ropstad avviser egne barnevernsinstitusjoner for muslimer

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments