Sweden: Nin lagu eedeeyay inuu qoxootiga jaajuusi jiray.

0
144

Xeer ilaalinta dalka Sweden ayaa nin 46 sano jir oo u dhashay dalka Ciraaq kusoo oogtay dacwad la xiriirta inuu jaajuus u ahaa dowlada Iiraan. Uuna u gudbin jiray xogta qoxootiga Iiraan kasoo jeedo ee kunool dalalka Sweden, Belgiumka iyo Holland.

Sida ay xeer ilaalinta Sweden sheegtay, Ninkan ayaa sheegan jiray inuu u shaqeeyo wargeys Carabi ku baxo, isaga oo sidaas fursad ugu heli jiray inuu helo macluumaadka dadka kasoo horjeedo dowlada Iiraan. Isaga oo ka qaadi jiray sawiro, uruurina jiray magacyada dadka banaanbaxyada ku abaabula dowlada Iiraan.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu keydin jiray, isla markaana uu dowlada Iiraan u gudbin jiray magacyada mucaaradka dowlada, xogtooda shaqsiyeed gaarka ah, meelaha ay ku noolyijiin iyo waliba taarikada baabuurta ay wataan. Wuxuuna xogtan ku wareejin jiray dad uu xiriir la lahaa oo katirsan sirdoonka Iiraan ee qaabilsan wadamada dibadda ah.

In qoxootiga la jaajuuso, xogtoodana loo gudbiyo dowladaha ay kasoo carareen ayaa dalka Sweden looga arkaa danbi weyn. Wuxuuna ninkan oo lasoo qabtay bilowgii sanadkan muteysan karaa sanado badan oo xabsi ah, hadii lagu helo danbiga.

Ninkan ayaa iska fogeeyay inuu geystay wax danbi ah.

Xigasho/kilde: Svensk-iraker tiltalt for flyktningspionasje på iranere

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments