(VG)-Towfiiq: Waan ka baxnay dalada ururada islaamka Norway ee IRN.

0
172

Sida uu xalay fiidkii tabiyay wargeyska VG ee dalkan Norway, masaajidka soomaalida ee Towfiiq oo kamid ah masaajidada ugu waaweyn Norway, ayaa isaga baxay dalada ay ku mideysanyihiin ururada islaamiga ah ee Norway(Islamsk Råd Norge, IRN).

Warkan ayaa kusoo aaday saacado kadib markii ay NRK soo daabacday war ku saabsan khilaaf ka dhaxeeyo soomaalida Oslo, oo ku muransan maamulka masaajidka. Halkan kasii akhri

War saxaafadeed qoraal ah oo uu VG daabacay, ayna ku saxiixanyihiin Cabdirahman Aadan Kulane(Gudoomiye) iyo Xakiim Ismaaciil(Gudoomiye xigeen iyo hogaan) ayaa lagu sheegay in masaajidku uusan baahi usii qabin adeegyada ay bixiso dalada IRN.

War saxaafadeedka VG uu daabacay ayaa waxaa ku xusan in go´aanka masaajidka ee ka bixitaanka dalada ururada muslimiinta uu yahay mid dhaqan-galayo isla markaasba( med øyeblikkelig virkning).

IRN: Go´aan sharci ah ma ahan.

Sida uu qoray wargeyska Vårtland, Dalada ururada muslimiinta Norway ee IRN ayaa go´aanka masaajidka Towfiiq ee warbaahinta loo soo mariyay ku tilmaamay mid aan sharci aheyn. Waxeyna sheegeen in ururkii islaami ah ee raba inay isaga baxaan dalada ururada muslimiinta ay go´aankooda soo marsiiyaan qaabka sharciga ah, sida ku xusan qodobka 14-aad ee xeer hoosaadka ay wada saxiixeen ururada xubnaha ka ah dalada IRN.

IRN ayaa sheegay in ka bixitaanka Towfiiq ee dalada IRN ay u baahantahay go´aan ka socdo gudi maamulka oo dhameystiran. Waxeyna bartooda Facebooga kusoo qoreen in Towfiiq uu kamid yahay masaajidada ugu waaweyn Dalada, ayna xiriir fiican la leeyihiin xubnaha masaajidka.

Dhanka kale waxey sheegeen inay ogeyn in khilaafka ay shaley warbaahinta Norway qortay, kuna saabsan maamulka masaajidka, ay arintan saameyn ku leedahay. Sidaas darteed ayay shegeen inay rabaan inay xiriir la yeeshaan maamulka masaajidka, kadib marka ay xaliyaan khilaafka hoose ee dhexdooda ah.

Waxaa gudoomiye ka ah qof Soomaali ah:

Dalada IRN oo kulmiso in ka badan 30 urur iyo masaajid oo islaami ah, ayaa waxaa xiligan gudoomiye ka ah Cabdiraxmaan Diiriye oo ah soomaaligii ugu horeeyay ee daladaas madax ka noqdo.

IRN ayaa ah ururka islaamiga ah ee ugu weyn Norway, inta badana ku hadlo magaca ururada islaamiga ah ama qadiyadaha umada muslimka ah ee Norway, xiliyada ay soo baxaan arimaha xasaasiga ah ee muslimiinta Norway saameynta ku leh.

War saxaafadeedka uu VG daabacay oo ahaa mid kooban ayaan lagu xusin faah-faahin dheeri oo ku saabsan sababta ka bixitaanka masaajidka ee dalada IRN, iyo waliba waxa go´aankaas kusoo aadiyay xiligan oo maamulka masaajidka uu ka jiro khilaaf xoogan oo soomaalida Oslo dhexdeeda ah. Hoos ka akhri warbixinta wargeyska Vårtland ee arintan.

Xigasho/kilde: Norges største moské melder seg ut. – IRN: anser utmeldelsen til Tawfiiq-moskeen som ugyldig.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments