NRK: Dowlada oo khilaaf dartii u joojisay taageeradii dhaqaale ee masaajidka Towfiiq.

0
119

TV-ga qaranka dalkan Norway ee NRK ayaa saaka soo daabacay warbixin ay soomaalida Norway horey u wada ogaayeen, taas oo ku saabsan khilaafka soomaalida ee maamulka masaajidka Towfiiq. Khilaafkaas oo axadii lasoo dhaafay gaaray heerkii ugu xumaa, kadib markii masaajidka ay isku dhex qabsadeen soomaalida ku hardameysay maamulka, ay isugu waceen booliska.

Xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo ayaa NRK u xaqiijiyay inay jiraan labo maamul oo kala duwan, kaas oo mid walbe gaarkiisa u sheegayo inuu yahay maamulka saxda ah ee masaajidka Towfiiq. Sidaas darteed ay si kumeel gaar ah u joojiyeen taageeradii dhaqaale ee masaajidka, ilaa xal laga gaarayo khilaafka maamulka.

Waxaa nalagu sameeyay isku day afganbi:

NRK ayaa warbixintooda ku wareystay labada dhinac ee soomaalida ah ee maamulka masaajidka isku haya.

Xakiim Ismaaciil oo ah hogaanka xiligan ee masaajidka, kana mid ah maamulka kumeel gaarka ah, ayaa NRK u sheegay in koox xubno ah masaajidka oo aan qanacsaneyn ay isku dayeen wax uu ku magacaabay isku day afganbi.

Kooxda kale ayaa fariin u diray Brønnøysund, iyaga oo sheeganayo inay yihiin maamulka masaajidka, waana qalad oo sax ma ahan ayuu Xakiin u sheegay NRK.

Xakiin ayaa NRK u qiray i khilaafka arintan sababay uu yahay mid ku saabsan hardan xaga xukunka ah, ayna kooxda kale rabaan inay masaajidka maamulaan, aysana jirin wax kale.

Waxaan rabnaa inaan talada wax ku yeelano:

NRK ayaa dhanka kale xiriir la sameeyay Steinar Stenvaag oo ah sharci yaqaan ku hadlayo magaca kooxda kale ee soomaalida ah ee masaajidka maamulkiisa isku heysta.

Steinar ayaa NRK u sheegay in kooxda uu matalo ay rabaan in maamulka masaajidku uu noqdo mid ka dhaxeeyo dhamaan dadka xubnaha ka ah masjidka, intii ay koox kooban oo gaar ah(Oligarki) ay xukunka isku soo koobi lahaayeen.

Xakim oo ah hogaanka masaajidka ee xiligan ayaa NRK u sheegay in maamulku ay qabteen doorashadii maamulka masaajidka oo labadi sanaba mar la qabto, sida ku xusan xeerarka maamulka masaajidka. Doorashadaasna ay ku dhacday hanaan waafaqsan xeerka maamulka, lagu doortay gole maamul.

Sharci yaqaanka ku hadlayo magaca kooxda kale ee soomaalida ah ayaa dhankiisa NRK u sheegay in kooxda uu matalo ee xubnaha ka ah masaajidka ay iyaguna dhankooda qabsadeen doorashado kale, ayna ku doorteen gole maamul, kaas oo ay u direen xafiiska diiwaan-galinta ee Brønnøysund.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa NRK u xaqiijiyay inay soo gaareen labo waraaq oo kala duwan oo ka kala socdo labada kooxood ee soomaalida, mid walba uu gaarkiisa u sheeganayo inuu yahay maamulka saxda ah ee masaajidka.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa sheegay inay rajeynayaan in khilaafka u dhaxeeyo soomaalida is heysato xal laga gaaro isbuucyada soo socdo.

Xigasho/kilde: Statsstøtte til Norges største moské frosset på grunn av konflikt

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments