Maalmo kahor madaxweyne ayuu ahaa, hadana magangalyo ayuu raadinayaa.

0
128
Madaxweynihii hore ee dalka Bolivia, Eva Morales

Madaxweynihii dalka Bolivia, Eva Morales ayaa shaley ku dhawaaqay inuu iscasilay, kadib todobaadyo ay dalkaas ka socdeen dibad baxdo iyo is marinwaa dhanka iyaasada ah. Morales ayaa sheegay inuu isku casilay, si uu u badbaadiyo dalkiisa.

Balse hogaanka milatariga dalka Bolivia ayaa la rumeysanyahay inay Morales ku qasbeen inuu is casilo, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku shubtay doorashadii dhawaan dalkaas ka dhacday.

Waxaa la rabaa in la i xiro:

Madaxweynaha shaley xilka ka dagay ayaa qoraal uu xaley soo dhigay Twitterka ku sheegay inay halis kujirto naftiisa, maadaama ay gurigiisa soo weerareen ciidan raba inay isaga xiraan.

Cabsida laga qabo in Madaxweyne Morales xabsiga la dhigo ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ay xaley ciidanka dalkaas xabsiga dhigeen madaxa gudigii maamulka doorashadii muranka dhalisay.

Wadanka Mexico oo kamid ah wadamada Latin America ayaa madaxweyne Eva Morales usoo bandhigay magangalyo siyaasadeed.

Wadamada Latin-America ayaa cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen af-gambi siyaasadeed oo ka dhacay dalka Bolivia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments