UDI-da oo eedeyb badan kadib, dib ugu noqoneyso kiiska haweeneydan ay markii hore rabeen inay tarxiilaan.

0
66
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Wargeyska Aftenposten ayaa jimcihii warbixin ka qoray kiiska Mahsa Aghabararian oo ah dhakhtarad u dhalatay dalka Iiraan, ahna hooyada ilmo yar oo lix bilood jir ah.

Haweenaydan oo u dhaxdo nin Norwiiji ah, ayaa wadanka degeneyd shantii sano ee ugu danbeysay, waxeyna ku joogtay ogolaanshaha shaqada. Balse UDI-da ayaa ku amartay inay wadanka isaga baxdo, maadaama ay jabisay mid kamid ah xeerarka sharciyada soo galootiga, ayna sameysatay shirkad u gaar ah.

Go´aanka ay UDI-du rabto inay wadanka uga bixiso haweeneydan, ayaa ahaa mid kala fogeynaya iyada iyo gabadheeda yar ee lix bilood jirka ah, maadaama iyada iyo aabaheedba ay yihiin Norwiiji. Balse UDI-da ayaa go´aanka ay haweenaydan ku tarxiileysay ku sheegtay inay ilmaheeda kala socon karto barta internetka.

Waxeyna usoo jeediyeen inay ilmaheeda ay kala hadli karto, xaaladiisana kala socon karto Skype ama App-muuqaalada kale ee internetka ee la iska karo.

Caro xoogan oo kiiskan ka dhashay:

Kadib markii ay soo shaac baxday kiiska haweeneydan, ayaa waxaa fikiro adag oo xoogan ka dhiibtay siyaasiyiin waaweyn oo katirsan xisbiyada mucaaradka iyo waliba kuwa dowlada.

Eedeyn iyo dhaleeceyn badan kadib, UDI-da ayaa hada sheegtay inay dib ugu noqon doonto go´aanka ay ka gaareen kiiska haweeneydan u dhalatay Iran.

Xigasho/kilde: Småbarnsmor ble utvist fra Norge. Nå vil UDI gjennomgå saken på nytt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments