Lånekassen ayuu been u sheegay, xabsi ayaa lagu xukumay.

0
96

Sida uu qoray wargeyska Finansavisen ee ka warama arrimaha dhaqaalaha, ardey ayaa lagu xukumay xabsi, kadib markii lagu helay danbi ah inuu been u sheegay sanduuqa kaalmada ardeyda ee Lånekassen.

Ardeygan oo dalka UK wax ka barto, ayaa taageero ku heli jiray waxbarasho jaamacadeed oo uusan dhameysan, ama uu awoodi waayay inuu imtixaanada ku baaso. Si uu uga badbaado inuu soo celiyo lacagtii lagu siiyay waxbarashada oo dhan 200.000, ayuu Lånekassen u diray waraaqo been abuur ah oo uu ku sheegayo inuu waxbarashada sii watay.

Lånekassen ayaa arintaas ogaatay, waxeyna kiiska ninkan u gudbisay booliska oo dacwad maxkamad kusoo oogay ninkan.

Maxkamada ayaa ninkan ku xukuntay 15 maalin oo xabsi ay shuruud ku xirantahay ah, waxaana laga dhimay xabsiga, maadaama uu la yimid garowshiyo ku saabsan danbiga uu galay, sida uu qoray Finansavisen.

Xigasho/kilde: Student dømt for å ha løyet til Lånekassen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments