Denmark oo baaritaan adag ku sameyn doonto dadka iyo gaadiidka uga soo gudba Sweden.

0
97

Dowlada dalka Danmark ayaa maalintii shaley aheyd bilowday baaritaan xoogan oo lagu sameyn doono dadka iyo gaadiidka uga soo gudbo xuduudka ay la wadaagto dalka Sweden.

Denmark ayaa sheegtay in howshan baarista ah looga dan leeyahay in dadka danbiyada ka geysta Sweden, aysan usoo gudbin dalka Denmark, si ay halkaas danbiyo kale uga geystaan ama falal amni daro ay uga abuuraan.

Denmark ayaa awalba baari jirtay gaadiidka uga soo gudbo Sweden ee mara buundada Öresund ama dekadaha, balse waxey markan sheegtay inay sii xoojin doonto.

Arintan ayaa kusoo aadeyso iyada oo dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay ay magaalada Malmø ee xuduudka Sweden iyo Denmark ka socdeen falal amni daro oo isdaba joog ah. Sabtidii lasoo dhaafay ayay aheyd markii magaalada Malmø lagu dilay wiil dhalinyaro 15 sano jir ah.

Xigasho/kilde: Danmark innfører ID-sjekk på grensen til Sverige

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments