Shaqaalaha ajnabiga ah oo la isugu daro mushaar la aan iyo hanjabaad joogto ah.

0
140

Gudi isku dhaf ah oo katirsan booliska Norway, waaxda canshuuraha iy hey’ adda shaqada ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in lagu tunto xuquuqda shaqaalenimo ee qofka ajnabiga ah, ee aan aqoonta fiican u laheyn sharciga shaqada iyo shaqaalaha Norway.

Gudigan ayaa baaritaano kadis ah ku sameeyay ugu yaraan 20 warshadood oo kuwa kaluunka ah, waxeyna sheegeen inay ogaadeen in shaqaalaha ajaaniibta ah la siiyo mushaar aad u hooseeyo, looguna hanjabo in shaqada laga ceyrin doono. Mararka qaarkoodna loo diido mushaar ay shaqeysteen.

Gudigan ayaa sheegay in dadka ajaaniibta ah ee u dhashay wadamada kale aysan aqoon fiican u laheyn xeerarka shaqada iyo xuquuqdooda shaqaalinimo, taas oo ka dhigeyso inay yihiin dad u nugul in laga faa’ iideysto.

Warbixinta gudigan ayay ku sheegeen in meelaha qaarkood ay heleen dad saacadii ku shaqeeyo 40 kr, iyo dadka aan xitaa mushaar qaadan ama loo diiday mushaar ay shaqeysteen.

Meelaha qaarkood ayay sheegeen in qofka shaqaalaha ah ee rabo inuu dalkiisa ku noqdo loo diido mushaarkii uu shaqeystay, taas oo qofka ku qasbeyso inuu sii joogo goobta shaqada, isaga oo aan niyad ahaan rabin inuu Norway sii joogo.

Gudigan ayaa dowlada la wadaagay warbixinta ay ka diyaariyeen baaritaankooda, waxeyna sheegeen inay rabaan in lasoo saaro sharciyo arrimaha looga hortagayo.

Xigasho/kilde: Utenlandske arbeidere skal ha blitt truet og fikk lite i lønn

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments