Daawo: Dood adag oo ku saabsan qaabka shaqada hey´adda barnevernka.

0
160
Foto: Faksimle/NRK

Hey´adda barnevernka ayaa dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay la kulmeysay eedeymo isdabo joog ah, kadib markii dowlada Norway looga guuleystay labo kiis oo barnever ku saabsan. Waxaana dowlada Norway lagu eedeeyay inay jabisay xeerka xuquuqul insaanka Yurub.

Waxaana wali maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee kutaal dalka Faransiiska xiligan dowlada Norway ka yaalo ugu yaraan 30 kiis oo ku saabsan barnevern.

TV-ga qaranka NRK ayaa isbuucii nasoo dhaafay abaabulay dood adag oo muhiim ah, taas ku saabsan hey´addaas. Waxaana la isugu keenay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee saameynta ku leh ama ay ku yeelan karto go´aanada hey´addaas.

Waxaadna ka ogaan kartaa in soomaalida oo kali ah aysan dhibaato joogto ah ku qabin ama kala kulmin hey´adda barnevernka.

Halkan ka daawo: NRK-DebBarnevernet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments