Xildh. Leyla Cilmi: Maxaan kala kulmay kamid noqoshada baarlamaanka Sweden.

0
91
Foto: Facebook Page- Leila A Elmi

Layla Cali Cilmi, waxay baarlamaanka Sweden ka mid noqotay sannadkii 2018kii, inkastoo ay wajeheysay caqabado adag oo kaga imaanaya kooxa midigta fog ee mayalka adag , sida ay sheegtay.

Waxay ahayd gabadhii ugu horeysay ee xijaaban ee ka mid noqota baarlamaanka dalka Sweden, waxayna ahayd arrinta ay kala kulantay caqabaddo waaweyn.

«Dhalleeceyn badan baa isoo gaarayay maadaama anigu nidaamka baarlamaanka lagu soo galo mid ka duwan aan ku soo galay. Anigu awoodda shacabkaan ku soo galay, balse dad badan bay ku noqotay lama filaan,» ayey tiri Layla oo la hadashay BBC SOmali.

Layla waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxaana Sweden ay qaxooti ahaan lagu geeyay iyadoo jirtay ku dhowaad laba sano, waxaana wehliyay qoyskeeda.

Gabadhan oo 31 sano jir ah waxay sheegtay: «Dadka xagjirka ah iyo suxufiyiin badan oo xagjiriinta ka mid ah ayaan caqabado badan kala kulmay.»

Waxay taasi u sababaysay in ay ka tirsan tahay gole ay ka duwan tahay dhammaan dadka kula jira. «Yacnii kuma milmi kartay; Ilaahayba kulama mid dhigin, waad ka duwan tahay», ayey tiri.

Layla, inkastoo caqabadahaa ay la kulantay, haddana waxay sheegtay in «aad ay ugu faraxsan tahay» xilka ay haysto oo ah «mid culus oo leh dhibaatooyiin iyo culeys badan», sida ay sheegtay.

Layla waxay qeyb ka tahay dhallinyarada Soomaalida ah ee ku dhiiraday in ay galaangal ku yeeshaan siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin.Dadaal dheer ayay ku bixisay in ay ka raadsato codkooda dadka ku nool magaalada Gothenburg oo ay Soomaalidu qayb ka yihiin.

Waxaa ka mid ah, Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, Axmed Xuseen, oo ka mid ah Baarlamaanka Canada, ahna Wasiirka Socdaalka ee dalkaas iyo Maajid Maajid oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, kaas oo laga soo doortay magaalada Sheffield ee UK. Waxaa sidoo kale jira kuwa badan oo ku haminaya in ay u loollamaan kuraas kala duwan oo Yurub iyo Ameerika ah.

Waxay Layla Cali Cilmi aaminsan tahay in dumarka ay kaalin wayn ku yeelan doonaan Soomaaliya iyo nidhaankeeda, «taas oo markii hore aan jirin».

«Hadda waxaan oran karaa in Bulshada Soomaaliyeed ay ka nooshahay dhanka gabdhaha. Waxaan gabdhaha Soomaalida ku dhiiragelin lahaa in dayaxa ay tagi karaan», ayey tiri.

«Ha isku kalsoonaadaano, hamigoodana ha ka dhabeeyaano. Qofku in uu hami lahaado oo uu isku deyo wax kastaa waa guul. Isku deyga baa la isku dhaafay adduunku».

Xigasho/kilde-: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments