torsdag, april 18, 2024

VG: Dowlada oo rabto inay jarto xuquuq gaar ah ah oo qoxootigu ay leeyihiin.

Xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg ayaa maanta galinka hore baarlamaanka usoo bandhigi doonto miisaaniyada sanadka 2020.

Sida uu qoray wargeyska VG oo soo xiganayo dad xog ka hayo miisaaniyada lasoo bandhigi doono, dowlada ayaa qorsheyneyso inay jarto xuquuq gaar ah oo ay leeyihiin dadka qoxootinimada Norway ay ku qaadatado.

Sida uu VG qoray Xuquuqda dheeriga ah ee qoxootiga la siiyo ayaa ah in marka qofka qoxootinimo ay Norway u qaadato, uu xuquuq u yeelanayo helista lacagta howlgabka da´da(Pensjon). Lacagtaas oo dadka caadiga ah ee wadanka u dhashay ama ku dhashay ku qaadato 40 sano inay shaqeynayeen, si ay xuquuqda howlgabka da´da(pensjon) u helaan.

Dowlada ayaa miisaaniyada sanadka 2020 rabta inay meesha ka saarto xuquuqdaas dheeriga ah ee horey loogu ogolaan jiray qofka qoxootinimo ay Norway u qaadato. Hadii uu noqdo howgalbka xaga da´da ah.

Xukuumada Solberg ayaa sidoo kale miisaaniyada sanadka 2020 rabto, in qofka qoxootiga ah uu ugu yaraan wadanka joogo 5 sano, si uu xuquuq ugu yeesho lacagta la siiyo qofka xanuun dartiis shaqada uga istaago(Arbeidsavklaring), iyo lacagta qofka howlgab noqdo xanuun ama dhaawac dartiis(Uføre).

Xiliga ku xiran helista xuquuq ahaan ee lacagahaas uu ku heli karo qofka qoxootiga ah, ayaa markii hore ahaa inuu ugu yaraan wadanka joogo sadex sano.

Dhamaan qodobada ay dowladu soo jeedisay, ayaa waxaa sida uu VG qoray soo jeedintooda lahaa xisbiga Frp. Kaas oo sheegay in qofka qoxootiga ah aysan aheyn inuu yeesho ama helo xuquuq dheeri ah oo qofka muwaadinka Norwiijiga ah uusan laheyn.

Xigashp/kilde: Folketrygden: Regjeringen vil fjerne særordninger for flyktninger.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x