Dambaska maydkii Mahatma Gandhi oo la xaday

0
136

Tuugo ayaa xaday qaar ka mid ah haraadigii danbaska meydmii Mahatma Gandhi, xilli la xusayo sanad-guuradii 150 ee ka soo wareegtay dhalashadiisii.

Dambaskan ayaa laga xaday goobtii lagu hayay tan iyo 1948 -markaasi oo Gandhi ay dileen dad Hinduu ah xag-jir ah.

Tuugadan ayaa waxaa ay sidoo kale goobtaasi ku qoreen «Khaa’inu wadan » iyaga oo rinji cagaaran ku xardhay sawirka hogaamiyihii xorriyadda Hindiya u soo dagaalamay.

Qaar ka mid ah dadka Hinduuga ayaa u arka Gandhi in uu ahaa khaa’inu wadan u ololeynayay midnimada muslimiinta.

Inkastoo uu Gandhi qudhiisu ahaa nin Hinduu ah.

Boliiska Rewa, ee gobolka Madhya Pradesh ayaa BBC u xaqiijiyay in ay baarayaan xatooyadan ayna arrintan halis ku tahay «is dhexgalka bulshada » ayna halis ku tahay ammaanka.

Mangaldeep Tiwari, oo ah ninka gacanta ku haya goobta ay ku taallo taalada Bapu Bhawan aya xadista dambaska haradiga Gandhi ku tilmaamay «mid ceeb ah».

«Waxaan albaabada u furay aroortii hore Bhawan sababtoo ah waxay ahayd dhalashadii Gandhi waxa uu sidaasi u sheegay barta internetka ee the Wire.

«Markii aan soo laabtay saqdii dhexe ee habeenimo waxan la kulmay haradigii dambaskii Gandhi oo la xaday islamarkana sawiradii meeshsa ku dhaganaa la suurad xumeeyay.

Booliiska aya tallaabo qaada a dib markii uu cabasho uu us oo gudbiyay Gurmeet Singh – oo ah hogaamiye oo ka tirsan xisbi maxali ah .

«Waalidan waa in la joojiyaa,» waxa uu sidaasi u sheegay Mr Singh wepsit-ka Wire. «axaan ugu baaqayaa booliiska Rewa in ay dib u eegaan kamarooyiinka qarsoon ee CCTV eek u xiran Bapu Bhawan.»

Gandhi ayaa waxa uu hogaamiyay dhaqdhaqaaq wax iska cabin aan rabshado wadan oo ka dhan ahaa gumeysigii Britain ee Hindiya,wuxuuna halgankiisa uu dhiirigalin u noqtay guud ahaan caalamka.

Inta badan dadka reer Hindiya ayaa wali u arka in uu yahay «aabaha qaranka «.

Balse Hindida mayalka adag ayaa ku eedeeyay Gandhi in uu khiyaanay dadka Hinduuga isaga oo u janjeeray dhanka musliminta.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments