Adeegsiga waraaqihii hore ee 50-ka iyo 500 oo beri joogsan doono.

0
93
Foto: Marit Giske

Bankiga dhexe ee Norway ayaa sanad kahor soo daabacay waraaqaha cusub ee 50-ka iyo 500 ee kr ee lacagta Norway. Iyada oo waraaqihii hore ee 50-ka iyo 500 kr, ay si lamid ah kuwo cusub hada u shaqeynayeen mudo sanad ku dhow.

Waraaqahihii hore ee lacagta 50-ka iyo 500 kr(sawirka) ayaa waxey mudo shaqeyntooda ku egtahay 18-ka Bisha October ee sanadkan. Iyada oo wixii ka danbeeyo maalinta beri ah lagu wado inay suuqa ka baxaan, ama adeegsigooda uu joogsado.

Bankiga dhexe ayaa dadka kula talinayo inay waraaqahaas adeegsadaan(isticmaalaan) wixii ka horeyso 18-ka bisha October, ama ay bankiga tagaan, si ay lacagtaas ugu shubtaan «akoonka» bankigooda. Si aysan ugu qasaarin, sababtoo ah dukaamada iyo goobaha ganacsiga, ayaa wixii beri ka danbeeyo aan qaadan doonin 50-ka iyo 500 ee hore.

Xigasho/kilde: Fra fredag 18. oktober kan de gamle 50- og 500-lappene nektes som betalingsmiddel i butikk, men fremdeles veksles i banken.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments