Xulka qaranka Turkiga oo salaantan lagu heysto.

0
116

Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub ee magaciisa loo soo gaabiyo Uefa ayaa baaritaan ku sameyn doona salaan milatari oo ay bixiyeen ciyaartoyda xylka qaranka Turkiga, ka dib markii xiddiga u ciyaara kooxda Everton, Cenk Tosun, uu dhaliyay goolkii guusha ee ciyaartii ay la yeesheen xulka Albania.

Turkiga ayaa Jimcadii 1-0 uga adkaafay Albania, xilli uu socdo dagaalka Waqooyiga Suuriga ku dhexmaraya ciidamada Turkiga iyo xoogagga Kurdiyiinta.

Tosun ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawirka salaanta milatariga, wuxuuna ku soo qoray: «Waxaan ugu talagalnay qarankeenna, gaar ahaan kuwa naftooda halista u galiyay qarankeenna dartiis».

Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub ayaan oggoleyn in ciyaarahooda lagu lifaaqo arrimo siyaasadeed.

Guusha ugu dambeysay ayaa Turkiga u suurtagalisay inay booska ugu sarreeya uga jiraan xulalka la isku aaddiyay ee u loollamaya ka qeyb galka ciyaaraha Euro 2020.

Maalintii Arbacada ayey howlgal milatari oo aad u weyn, kaasoo ay ka wadaan deegaannada Waqooyiga Suuriya ee ay gacanta ku hayaan xoogagga ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee Suuriga, oo magacooda loosoo gaabiyo (SDF).

Tobannaan qof oo rayid ah iyo ciidamo labada dhinac kasoo kala jeeda ayaa lagu dilay dagaalkaas, oo wali socda.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Turkiga ayaa iyaguna Instagram-ka soo dhigay sawirka ciyaartoyda Turkiga iyo tababareyaal salaan milatari saaraya oo ku jira qolka labiska, waxayna soo raaciyeen farriin ay ku leeyihiin: «Meesha aan ku soconno waa horyaalnimada! Toddobo ciyaarood ka dib waxaan hoggaamineynaa horinta H ee ku loollameysa isree-reebka tartanka qaramada qaaradda Yurubub. Guushan waxaan siineynaa ciidamadeenna geesiyaasha ah».

Afhayeen u hadlay xiriirka Uefa oo lagu magacaabo Philip Townsend ayaa wakaaladda wararka Talyaaniga ee Ansa u sheegay in Salaanta ciyaartoyda Turkiga «ay u muuqan karto arrin laga caroodo».

«Waxaan damaanad qaad u bixin karaa inaan baaritaan ku sameyn doonno», ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments