Wasiirada cadaalada Norway oo lagu heysto adeegsiga sawirkan Al shabaab laga qaaday.

0
179
Skjermdump: Facebook, listhaug

Wasiirada cadaalada dalkan Norway, haweeneyda lagu magacaabo Sylvi Listhaug ayaa lagu heystaa adeegsiga sawir aysan ogolaansho uga heysan xuquuqlaha sawirka, kaas oo laga qaaday xubno katirsan ururka Al shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Wasiirada cadaalada ayaa barteeda soo dhigtay qoraal lagu dulqoray sawirkan oo ay kaga hadleysay hindise sharciyeed ku saabsan in maxkamad la´aan sharciga dhalashada Norway laga qaado, dadka usoo dagaalama ururada argagaxisada, kaas oo ay kasoo horjeesteen xisbiyada mucaaradka oo uu Ap ugu weynyahay.

Sawirka laga qaaday dagaalyahada al shabaab oo ay Listhaug adeegsatay ayaa waxaa xuquuqdiisa iska leh wakaalada wararka ee Ap waxaana iibinta xuquuqdiisa Norway wakiil u ahaa wakaalada wararka Norway ee NTB Scanpix.

NTB ayaa Listhaug ka dalban doono inay bixiso lacagta adeegsiga xuquuqda sawirkaas aysan ogolaanshaha u helin adeegsigiisa. Waxaana masuuliyada adeegsiga sawirkaas dusha saartay la taliyaha Listhaug, ninka lagu magacaabo Espen Teigen, kaas oo xaqiijiyay in isagu uu shaqsi ahaan lacagtaas bixin doono.

Xigasho/kilde: BT, Dagbladet.no 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments