Ap iyo Sv oo taageeray mooshin kalsooni kala noqosho laga keenay wasiirada cadaalada Norway.

0
81

Xisbiyada Ap iyo Sv ayaa taageeray soo jeedin ka timid xisbiga Rødt, taas oo ah in kalsoonida wasiirnimo ee baarlamaanka lagala noqdo wasiirada cadaalada Norway, Sylvi Listhaug oo maalmahan uu xaalku ku xumaa. Horey waxaa mooshinka u taageeray xisbiga MDG.

Listhaug ayaa maanta looga yeeray kalfadhiga baarlamaanka Norway, waxeyna la kulantay eedeymo dhinacyo badan uga imaanayay, kuwaas oo salka ku hayay qoraal iyo sawir ay jimcihii hore kusoo bandhigtay bogeeda Facebooga. Listhaug ayaa maanta qasab looga keenay inay raali-galin bixiso sideed jeer oo isku xiga, balse xildhibaanada mucaaradka ayaan arintaas ku qancin, waxeyna qaarkood sheegeen in Listhaug ay lumisay kalsoonida iyo heybada wasiirnimo.

Xisbiyada Sp iyo KRF ayaan wali cadeyn mowqifkooda ku aadan mooshinka laga keenay Listhaug, balse gudoomiyaha KRF, Knut Hareide ayaa sheegay in Listhaug ay lumisay kalsoonida wasiirnimo. Si uu u meelmaro mooshinkan laga keenay Listhaug, wuxuu taageero uga baahanyahay xisbiyada SP iyo KRF.

Hadii uu meelmaro, waxey ku qasbantahay inay iska casisho xilka wasiirnomo oo ay heyso. Arintaas oo niyad qab ku noqon doonto xukuumada Solberg, waxeyna noqon doontaa wado cusub oo ay mucaaradku ku fureen.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments