Ma runbaa in dukaanka soomaaliyeed ee Tasteland la xiray: Been-abuur.

0
121

Isbuucii ugu danbeeyay waxaa suuqa la galiyay in dukaanka soomaaliyeed ee adeega xuduudka Sweden ee Tasteland la xiray ama albaabada la isugu laabay. Waxaa NorSom News xiriir lasoo sameeyay madaxda dukaanka, kuwaas oo noo xaqiijiyay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, isla markaana ay ka shakisanyihiin inay suuqa galiyeen dukaamada kale ee tartanka kula jiro.

Said Shariif oo ah madaxa suuqgeynta dukaanka Tasteland ayaa noo sheegay in dukaanku uu furanyahay, ayna hada kusoo kordhiyeen alaabo badan oo cusub, isla markaana ay warkan been abuurka ah la rabo in dukaanka sumcadiisa lagu waxyeeleeyo.

«Tasteland 5 sano ayuu hada furnaa,  waxaana mudadaas kooban kasbanay suuqa macaamiil badan oo soomaali ah, taasna waxaa cadaawad nooga qaaday dukaamada kale ee suuqa ku jiray 20 sano iyo ka badan. Maadaama aan nahay dukaanka kali ah ee soomaalida ah ee laga adeegto, xuduudkana waxaan keenay boqolaal alaab oo cusub oo raqiis ahWaxaan ka baxnaa dhamaan goobihii aan horey uga bixi jirnay, dukaankuna wuu furanyahay todobada maalin ee isbuuca.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments