Hamar: Dhageysiga dacwada racfaanka soomaali 9 sano lagu xukumay oo maanta ka bilaabatay maxkamada Hamar

0
93
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maanta oo isniin ah, waxaa magaalada Hamar ka bilowday dhageysiga dacwada racfaanka nin soomaali ah, kaas oo maxkamada darajada sadexaad ee Hamar ay horey ugu xukuntay sagaal sano oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamadu ku heshay fal isku day dil ah, oo uu u geystay haweeyenay kale oo soomaali ah.

Labadan qof ee soomaalida ah ee dhageysiga dacwada ay ka dhaxeyso ayaa sharaxaad kala duwan ka bixiyay qaabka uu falku u dhacay, inkasta oo maxkamada dajarada sadexaad ay raacday sharaxaada gabadha ay dhaawacyadu gaareen, iyo baaritaanka booliska.

Ninkan soomaaliga ah ayaa dhankiisa isku difaacayo ineysan wax u dhicin sida loo sheegay, isaga oo mar kale jaanis u heli doono inuu xeer ilaalinta maxkamada ku qanciyo sharaxaadiisa ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen.

Dhageysiga racfaanka ninkan soomaaliga ah ayaa socon doonto mudo afar maalmood ah. Iyada oo warbaahinta lokalka ah ee deegaankaas ay si aad ah ula socoto kiiska maxkamada Hamar ka socdo.

Xigasho/kilde: GD.NO 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments