Haweeney soomaali ah oo PST bil kahor ay soo xirtay oo mudada xabsiga kumeel gaarka ah loogu daray afar isbuuc oo cusub

0
93

Haweeney soomaali 30 sano jir ah ayaa maanta mudada kumeel gaarka ah ee xabsiga lagu sii heyn doono loogu daray afar isbuuc oo dheeri ah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan isku day ay rabtay inay ugu biirto kooxda sheegata khilaafada islaamiga ah ee Daacish. 

Hey’adda sirdoonka dalkan Norway ee PST ayaa horey u sheegtay in haweeneydan soomaalida ah oo Norway magangalyo kumeel gaar ah ka heysatay, ay kusii socotay dalka Siiriya, si ay ula midowdo nin uu xiriir ka dhaxeeyay oo katirsan kooxda Daacish. 

Haweeneydan ayaa dhankeeda sheegtay inuu jiro isfahan daro, isla markaana aysan wax u jirin sida ay hey’addu wax usoo bandhigtay.

Xigasho/kilde: NRK.NO

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments