Norway oo si rasmi ah u joojisay hub ay ka iibin jirtay Imaaraadka: Ogow sababta

0
77
photo: AP

Warshadaha hubka Norway, gaar ahaan Kongsberg Gruppen ayaa sanad walba malaayiin dollar hub uga iibisa dalalka dowladaha khaliijka carabta, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka. War kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Norway ayaa maanta lagu sheegay in Norway ay si ramsi u joojisay hubka ay ka iibin jirtay dalka Imaaraadka.

Sababta arintan ayaa ‘ lagu tilmaamay xaalada dagaal ee dalka Yemen oo mareysa meel aad u liidata. Iyada oo malaayiin caruur ah ay dalkaas ugu le’anayaan macluul ka dhalatay duqeynta iyo go’doominta ay dalalka Khaliijku ku hayaan Yemen.

Shirkadaha Kongsberg Gruppen waxaa saami weyn ku leh dowlada Norway, iyada hey’addaha xuquuqda aadanaha Norway iyo kuwa caalmiga ahba ay dowlada ku eedeynayeen inay qeyb ka tahay duqeynta Yemen. Maadaama ay hub casri ah ka iibiso dalalka Khaliijka ee duqeynta ka wada dalkaas.

Xigasho/kilde: VG.NO

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments