UDI: Tirada dadka aan dib u qiimeynta ku sameyn doono ma ahan 1600, ee waa 1400.

0
198

Sida ay October sanadkii 2016 sheegtay wasiirada arimaha soo galootiga Norway, hey´adda socdaalka iyo soo galootiga dalkan Norway ee UDI-da ayaa dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada ilaa 1600 qof oo soomaali ah, kuwaas oo magangalyo Norway ka helay wixii ka horeeyay bishii October ee sanadkii 2014-ka.

Norway ayaa arintaas ku micneysay in xaalada amaan ee Soomaaliya, gaar haan magaalada Muqdisho ay soo hagaagtay.

Listhaug ayaa sidoo kale bilo kahor UDI-da ku amartay inay ku gacan dhaqsadaan ka shaqeynta kiisaska la xiriira arintan oo ay aaminsantahay inay qaateen waqti dheer. Waxeyna UDI-da ku amartay inay kiisaaskaas siiyaan muhiimada koowaad ee xiligan.

Hey´adda UDI-da oo ka jawaabeyso amarka UDI-da ayaa bilowday inay sharci hal sano ah oo kumeel gaar ah siiyaan dadka ay jawaabta kala daaheen. Waxeyna sheegeen inay soo badatay dhibaatooyinka soo wajaha dadka jawaabta lagala maqanyahay, oo qaarkood ay caqabado kala kulmo xafiisyada kale ee dowlada sida Nav iyo hey´addaha waxbarashada.

UDI: 1600 ma ahan ee waa 1400.

NorSom News ayaa dhawaan wareysi dheer oo waxyaabo badan taabanaya la yeelatay qeybta UDI-da u qaabilsan arimaha ka shaqeynta codsiyada qoxootiga, gaar ahaan madaxda groupka gacanta ku hayo  qiimeynta magangalyada dadka soomaalida ah. Waxaana weydiinay su´aalo badan oo ku saabsan qaabka ay arintan uga shaqeeyaan.

Waxey noo sheegeen in wajiga koowaad ee qiimeynta ay dhimeen tirada dadka dib u eegista lagu sameyn doono kiisaskooda, iyaga oo sheegay in tiradaas hada ay tahay 1400, halkii markii hore ay ka aheyd 1600.

Waxeyna sheegeen in ilaa hada ay jirto  labo qof oo kali ah, kuwaas amar kama danbeyn ah laga siiyay inay dalka isaga baxaan, kadib markii magangalyadooda. Sidoo kale waxey raaciyeen in sida u  muuqato iyaga ay dadka ugu badan dib u heli doonaan sharcigooda dib u qiimeyna kadib.

Wareysiga oo dhameystiran, waxaan kusoo bandhigi doonaa cadadka koowaad(tirsiga koowaad) ee NorSom Magazine oo ah qeyb cusub oo aan kusoo kordhinay warbaahinta NorSom News. Wuxuuna noqon doonaa Magazine digital ah(waraaqad ma ahan) oo bishii halmar soo bixi doono, kaas oo aan kusoo bandhigi doono warbixino muhiim ah oo ka duwan kuwa maalinlaha ah ee wargeyska aan kusoo bandhigno. Waana qeyb aan ugu tala-galnay inaan baaritaano ku sameyno waxyaabaha ay dadku xiiseynayaan, aana wareysiyo kaga soo qaadno hey´addaha ay arintaas khuseyso.

Wareysiga UDI-da oo 20 bog ka kooban iyo warbixino kale oo muhiim iyo xaqiiqo ah waxaan kusoo bandhigi doonaa tirsiga koowaad ee NorSom Magazine oo soo bixi doono bilowga bisha Janaury ee sanadka cusub.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments