Qaramada midoobay oo Denmark uga digeyso inay qoxooti u celiso Soomaaliya, iyo Denmark oo digniintaas iska dhaga tireyso.

0
152
Wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Dowlada dalka Denmark ayaa sanad kahor soo saartay war ay ku sheegeyso inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada 800 qof oo soomaali, kadib markii ay soo hagaagtay xaalada koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Sida uu qoray wargeyska Jyllands posten ee dalka Denmark, dowlada dalkaas ayaa ilaa hada dib u qiimeyn ku sameysay magangalyada 528 qof, iyada oo 310 qof oo dadkaas kamid loo sheegay inay ku noqdaan Soomaaliya. Waxaana dadkaas kamid ah 241 qof oo qaab dacwo ahaan ah Denmark lagu keenay.

Qaramada midoobay, hey´addaha u dooda arimaha qoxootiga iyo ururo badan oo u dagaalama xuquuqda insaanka, ayaa Denmark uga digayo inay xiligan qoxooti si qasab ah ugu celiso Soomaaliya. Si gaar ah koonfurta iyo caasimada Muqdisho oo amnigeedu uu xiligan yahay, mid aan la isku haleyn karin.

Dowlada Denmark oo dhankeeda cuskaneyso warbixin laga diyaariyay xaalada amaan ee Muqdisho ayaa ku adkeyneyso in amaanka Muqdisho uu soo roonaaday, ayna kajirto xasilooni keeni karta in qoxootigii halkaas kasoo qaxay dib loogu celiyo.

Dowlada Denmark ayaa dhanka kale muwaadiniinta u dhashay dalkeeda ama heysta dhalashada Denmark uga digeyso inay u safraan Soomaaliya, sababa la xiriira amaanka Soomaaliya oo aan la isku haleyn karin. Waxeyna sida dowlada Norway oo kale ku hadlayaan labo hadal oo kala duwan oo ku wada saabsan xaalada amaan ee Soomaaliya.

 

Xigasho/kilde: JP.NO, B.DK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments