Qareen A. Mohammad: Qoyskaaga waad u dacwoon kartaa, hadii aad halmar taageero dhaqaale ka heshay dowlada.

0
207

Dowlada Norway ayaa sanadkii lasoo dhaafay soo rogtay xeer cusub oo qofka raba inuu qoyskiisa u dacwoodo, waajib uga dhigayo inuu sanadkii lasoo dhaafay shaqeeyay lacag dhan 256.000 Nok, uusana dowlada ka helin wax taageero dhaqaale ah.

Akmal Mohammad waa qareen katirsan shirkada Advokatane Cemetsen & Mohammad AS, waxaana uuna si maalinle ah u qaabilaa kiisaska dad soomaali ah, kuwaas oo dhibaato ka heysato inay qoyskooda ugu dacwoodaan Norway.

Arinta ay dhibaatada ugu badan ka heysato dad badan oo soomaali ah oo raba inay qoysaskooda u dacwoodaan ayaa ah ineysan wax taageero dhaqaale ah ka helin dowlada 12-kii bilood ee ugu danbeeyay. Taageerada dhaqaale ee dowlada ma ahan oo kali ah lacagta ceyrta ah ee uu qofku qaato, balse waxaa sidoo kale soo galayo lacagta qofka ay shaqada ka dhamaato ee Dagpengerka, kabka kirada guryaha ee dowlada(Botsøtte) iyo waliba lacagta qofka ay awoodiisa shaqo hoos u dhacay ee AAP.

Akmal ayaa sheegay in dhawaan qof soomaali ah oo uu qareen u ahaa uu ku guuleystay in qoyskiisa loo keeno Norway, inkasta oo markii hore la siiyay diidmo ku saabsan dacwada qoyska, iyada oo lagu sababeynayo inuu taageero dhaqaale ka helay dowlada. Akmal ayaa sheegay in qofkaas soomaaliga ah uu cabasho ka gudbiyay go´aanka UDI-da, isaga oo tixraacaya in halmar oo kali ah uu taageero dhaqaale ka helay dowlada 12-kii bilood ee ugu danbeeyay, ayna arintaas u sahashay in mar labaad kiiskiisa la fiiriyo, loona ogolaado in qoyskiisa loo keeno Norway.

Qareenkan ayaa sheegay in mar walba ay muhiim tahay in qofku uu la xiriiro qof sharci yaqaan ama qareen ah, kaas oo ka caawin karo inuu kiiskiisa sharciga ku fiiriyo, lana hubiyo inuu leeyahay jaanis kale. Wuxuuna raaciyay inay muhiim tahay in qofku uusan mar walba ku qancin jawaabta koowaad ee diidmada ah.

Qofka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub:

Shardiga inuu qofka shaqeeyo lacag dhan 256.000, ma qabanayo qofka qoxootiga ah wadanka ku cusub, isla markaana kiiskiisa dacwada soo xareeyo hal sano gudahood oo ka bilaabata xiliga uu qofku sharciga magangalyada hela. Sidoo kale waa in qoyska qofka ay safaarada tagaan, isla markaana kiiskooda xareeyaan, isla sanadkaas gudihiis.

Qofka wadanka ku cusub ee qoxootiga ah, qasab kuma ahan inuu kommune degenaado, si uu qoyskiisa ugu dacwoodo, balse isaga oo kaamka degan ayuu codsigiisa xareyn karaa, si uu sanadkaas uga faa´iideysto. Hadii sanadkaas uu kaa dhaco, waxaad ku biireysaa dadka caadiga ah, waxaa shardi kugu noqonayo inaad shaqeyso lacag dhan 256.000

A. Mohammad: Talooyinkan ayaa usoo jeedin lahaa qofka qoyskiisa u dacwoonaya:

  • Inta aadan kiiska dacwada xareynin, iska hubi inaad 12-kii bilood ee isku danbeeyay aad shaqeysay lacagta shardiga ah. Meelo kala duwan ayay lacagtaas kaa soo gali kartaa, balse muhiimadu waa inay isku dar ahaataa 256.000. Hadii uu shaki kaaga jiro, la xiriir qof qareen ah ama sharci yaqaan, ama UDI-daba.
  • Inta aadan kiiska xareynin iska hubi in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay aadan taageero dhaqaale ka helin dowlada. Hadii uu shaki kaaga jiro la xiriir qof qareen ah ama UDI-da.
  • Xusuuso, codsiga dacwada qoyska waa la diiwaan galinayaa oo kali ah, marka aad waraaqaha aad ka xareyso booliska. Inaadan Internetka ka buuxiso, kama dhigna in codsigaaga la xareeyay.
  • Hadii aad tahay qof qoxooti ah oo cusub, xusuuso inaad sanad gudihiis ku xareyso codsiga. Sidoo kale waa in qoyska aad u dacwooneyso ay sanadkaas gudihiisa codsi dhameystiran soo xareeyaan(Warqad, sawir ama saxiix hadii uu ka dhimanyahay, looma arko codsi dhameystiran).
  • Hadii aad diidmo hesho, haku qancin hadii aad aaminsantahay in go´aanka uu yahay mid qalad ah. Waxaa laga yaabaa in isfahan daro ay jirto ama qalad uu dhacay. U tag qof sharci yaqaan, u bandhig kiiskaada, cabashana ka gudbi go´aanka hadii aadan ku qanacsaneyn. Waa muhiim inaad cabashada kusoo xareyso mudada laguu qabtay ee sadexda isbuuc ah.
  • Hadii diidmo lagugu siiyay sababo la xiriiro inaadan buuxin, shardiga ah in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay aadan lacagtaas shaqeynin, cabasho gudbi. Cabashada waxa ay qaadataa mudo bilo ah, marka cabashada laga shaqeynayo waxaa dhici karto inay kusoo aado, adiga uu buuxiyay 12-ka bilood. Sidaasna laguugu ogolaado in qoyskaaga laguugu keeno.

Qareenku mar walba lacag ma ahan:

Waxaa la yaabaa in marka aad qareen maqasho, inaad ku fakarto inay lacag kaaga baxeyso. Laakiin sidaas ma ahan mar walba, waxaana jiro xiliyo badan oo uu qofku xaq u leeyahay qareen, isaga oo wax lacag ah bixin. Inta badan kiisaska la xiriira UDI-da iyo UNE-da, waxaa lacagta qareenka bixiyo dowlada, waana wax uu qofku xaq u leeyahay.

Hadii aad wax su´aalo ah ka qabto arintan ama aad u baahantahay caawin xaga sharciga ah, waxaad la xiriiri kartaa Shirkada qareenamada ee Clemetsen & Mohammad AS.

TLF: 22 42 98 00 ama booqo: Clemo.no

Adresska: Storgata 10 A, 0155 Oslo

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments