Oslo: Hey´adda Sirdoonka Norway(PST) oo xabsiga dhigay haweeney soomaali ah oo la sheegay inay ku biiri laheyd Daacish.

0
242

Waxaa maanta oo khamiis ah soo baxay war ku saabsan in hey´adda sirdoonka dalkan Norway ee PST ay xabsiga dhigtay haweeney 30-sano jir soomaali ah, taas oo ku eedeysan inay u socotay dalka Siiriya, si ay ugu biirto kooxda Daacish.

Haweeneydan ayaa markii hore lagu qabtay dalka Italy, kahor inta aan loo soo gudbin Norway, sida laga soo xigtay wargeyska VG. Sirdoonka Norway ayaa haweeneydan xabsiga dhigay isla habeenimadii talaadada oo Norway laga soo dajiyay.

Haweeneydan ayaa la sheegay inay u socotay dalka Siiriya, si ay ula kulanto nin ay xiriir lahaayeen, kaas oo katirsan kooxda Daacish, kuna sugan Siiiriya.

Maxkamada Oslo ayaa maanta ogolaatay in haweeneydan xabsiga la dhigo afar isbuuc oo kumeel gaar ah.

Soomaaliyad heysato magangalyo ku meel gaar ah:

Qeybo kamid ah warbaahinta dalkan Norway ayaa saaka qorayay in haweeneydan ay heysato dhalashada Norway, balse waxaa gadaal kasoo baxday inay heysato magangalyo kumeel gaar ah, ayna dalkan Norway soo gashay sanadkii 2013-ka.

Haweeneyda: Isfahan daro ayaa jirto

Sida ay sheegtay haweeneydan soomaalida ah, waxaa jiro qalad iyo isfahan daro ku saabsan arintan. Balse hey´adda sirdoonka Norway ayaa sheegtay inay arinteeda la socdeen mudo dheer, ayna markii hore kasoo bilaabatay kiis kale oo laga soo gudbiyay dalka England.

Hey´adda sirdoonka Norway ayaa ka gaabsatay inay faah-faahin ka bixiso kiiska haweeneydan.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments