Denmark: DF Dadka diidmada la siiyo hala isugu geeyo jaziirad lama degaan ah, kahor inta aan wadankoodii loo celin.

0
199
wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Xisbiga xagjirka midigta fog ee dalka Denmark, Dansk Folkeparti oo kamid ah xisbiyada taageerada siiya xukuumada dalkaas hada ka talisa, ayaa soo jeediyay in dadka magangalyada loo diido la isugu geeyo jaziirad lama degaan ah, kahor inta aan dalkoodii loo tarxiilin.

Xisbiga ayaa dowlada usoo jeediyay inay adeegsato mid kamid ah ilaa 300 oo jaziiradood oo lama degaan ah oo dalkaas kuyaal, halkaasna lagu xareeyo dadka magangalyo doonka ah ee diidmada hela.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark, haweeneyda lagu magacaabo Inger Støjberg ayaa dhankeeda sheegtay in arintaas lasoo dhaweyn karo, balse marka hore loo baahanyahay in la hubiyo inay sharci ahaan suurtogal tahay. Waxeyna raacisay inay arintaas qiimeyn ku sameyn doonto suurtagal nimadeeda.

Wasiiradan ayaa raacisay in xukuumadeedu ay soo dhaweyneyso xal kasta oo wanaagsan, oo looga hortagi karo dhibta sii kordheysa oo Denmark ay ku hayaan dadka soo galootiga ah ee diidmada la siiyay.

Inger Støjberg oo ayaa sii raacisay in tarxiilka dadka uu si dhaqso ku dhici lahaa, hadii dadka magangalyada loo diiday ay ku xareysnaan lahaayeen jaziirad lama degaan ah.

Waxaa dalka Denmark kunool dad lagu qiyaaso ilaa dhowr boqol oo qof, kuwaas oo diidmo ka heysto sharciga magangalyada. Qaar badan oo dadkaas kamid ah waxey wali kunoolyihiin xeryaha qoxootiga, waana dadka uu xisbiga DF rabo in lagu xareeyo jaziirada lama degaanka ah.

Xigasho/kilde: Berlingske

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments