Wafdi ka socdo Norway oo hubinaya qaabka ay Soomaaliya u bixiso documentiyada oo Muqdisho tagay.

0
133
Sawirka: Shaqaale katirsan hey´adda socdaalka Soomaaliya oo tababar ay siinayaan saraakiil katirsan UDI-da Norway.

Magaaladda Muqdisho waxaa maalmahan ku sugnaa Khubaro arimaha hubinta dukumentiyada iyo basaboorada u qaabilsan wadankan Norwey, kuwaas oo la sheegay inay rabeen inay arkaan qaabka Soomaaliya u bixiso baasaboorada.

Imaanshaha wafdigan ayaa ka dambeysay kadib safar uu madaxa  hey´ada jinsiydaha iyo socdaalka Soomaaliya,  Maxame A Koofi uu bilo kahor ku yimid wadankan Norway, isaga oo la kulmay madax katirsan hey´ada UDI-da dalkan Norway.

Waxaana ay Soomaaliya ku dadaaleysaa sidii ay wadamada galbeedka uga dhaadhicin laheyd inay kalsooni buuxdo ku qabaan waraaqaha ay bixiso dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga Norway ka socday oo ay wehlinayeen masuulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska ( C I D ) si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta C I D kula kulmeen  taliyaha laanta Danbi baarista booliiska Saciid Cali Kadiye.

Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta Dad dhigista ee Gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada Dhalashada iyo Sugnaanta.Ugu dambeyna waxaa wafdigan la geeyay xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada Hay’adda si ay u arkaan habka bixinta Baasaboorka.

Xigasho/kilde: Wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments