Mohamed Hassan: Dowlada Norway maxay rabtaa, xalkusa muxuu noqon karaa?

0
114
Photo: Ze'ev Yanai

W.Q: Ujeedo talo bixin: Mohamed Osman Hasan

Kadib markaan daawadey barnaamij kabaxay TV NRK, oo ku saabsanaa caruurta lagu celiyey Soomaaliya si loo dhaqan celiyo, waxaan go´aansaday inaan bulshada la qeybsado fikirkeyga arintaas ku saabsan.

Waxaa jira labo arimood oo u baahan in sifiican loo qeexo, waxeyna kala yihiin:
1: is afgarasho la´aan ka dhex taagan dowlada dalkan Norway iyo bulshada somaliyeed ee dalkan ku dhaqan.
2: Xalka oo eysan heynin dowlada Norway, isla markaana eysan ka hadlin ama ka tala galin dadka soomaaliyeed ee arintu ay sida tooska ah u khuseyso.


Waa iyadna fahan u baahan, Maxey ka walwaleysaa dowlada Norway? Dowladu waxa ay ka walwaleeysaa caruurta lagu celiyey Soomaaliya, marka ay dalkan kusoo noqdaan inay fuliyaan falal xagjirnimo ah.

Hadaba muxuu xalka arintan noqon karaa?: Xalka waxa uu noqon karaa in bulshada soomaaliyeed ay hor fariisato hey´adaha amniga sida Booliska(politi), hey´adda sirdoonka iyo nabadsugida(PST), hey´ada xanaanada caruurta(Barnevern) iyo wasaarada isdhexgalka bulshada.

Si uu kulankaas u noqdo mid miro dhal ah, waa inay soomaalidu soo bandhigtaa dhibaatooyinka waalidka soomaaliga ah ka heysta guud ahaan wadanka, gaar ahaan hey´adda xanaanada caruurta ee Barnevernka. Waa in sidoo kale laga hadlaa dhibaatooyinka waxbarashada ee iskuulada wadankan, gaar ahaan in caruurtu aysan heysan xiisad ay ku baran karaan ama wax ka ogaan karaa diintooda iyo dhaqankooda.

W.Q: Mohamed Osman Hasan: e-mail: ducaale3@yahoo.com


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga ka dhiibato dooda socoto ee ku saabsan caruurta soomaalida ah ee la dhaqanceliyo, waxaad qoraalkaaga noogu soo diri kartaa: NorSomNews@gmail.com.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments