Maxaa nala gudboon soomaali ahaan: Markan aamus warkiis waa dhamaadee

0
147
Foto: Faksimile NRK

Waxaa shaley iyo maanta warbaahinta dalkan heysato warbixino laga diyaariyay caruur soomaali ah, kuwaas oo loo dhaqanceliyay Soomaaliya iyaga oo aan raali ka aheyn, isla markaana halkaas kula soo kulmay jirdil, sida ay dhalinyaradan soomaalida ah sheegeen.

Waxaa isla shaleyba kulan deg-deg ah iclaamiyay wasiirada soo galootiga dalkan Norway, waxaana isla saakaba kulan isugu yimid sideed wasiir oo katirsan dowlada dalkan Norway. Waxeyna isla maantaba soo saareen soo jeedino, iyaga oo sheegay inay mar kale kulmi doonaan.

Waxyaabaha ay soo jeediyeen waxaa kamid ah in passporka laga qaado caruurta looga dhigayo in la dhaqan-celiyo, iyo in dhaqaalaha laga jarto waalidka uu ilmahoodu wadanka ka maqnaado wax ka badan sadex bilood.

Hey´ada nabadsugida dalkan Norway ayaa sidoo kale isla maantaba sheegtay in dugsi quraanada Soomaaliya ay noqon karaan xarun caruurta soomaalida ah lagu baro fikiro xagjir ah, kuwaas oo khatar ku noqon kara Norway iyo waliba Soomaaliya.

Lama inkiri karo arintan.

Waxaa xaqiiqo ah in waxyaabaha ay caruurtaas sheegeen ay yihiin waxyaabo run ah, waaqici ah, isla markaana Soomaaliya ka dhaca ama ka dhici kara. Sidaas darteed lama joogo xili aan indhaha qabsano, aana rajeyno in si dhaqso ah ay nagu dhaafto.

Waxaa iyagana dhankooda jira sababo waalidka soomaaliga ah ku qasbo inuu ilmihiisa uu Soomaaliya u dhaqan-celiyo, waxaadna moodaa in dowlada Norway iyo warbaahintuba ay arintan hal dhinac uu kali ah ay ka fiirinayaa.

Inkasta ay jiraan qowmiyado badan oo caruurtooda celiyo, hadana waxaa markan miiska saaran soomaalida. Arintana saameyn kuma yeelan doonto caruuraha la celiyo oo kali ah, balse waxey saameyn baaxad weyn ku yeelan doontaa dhamaan caruuraha soomaalida ah ee wadankan lagu korsado.

Hadaba su´aasha waxey tahay, maxaa nala gudboon ka soomaali ahaan?

Maxaan qaban karnaa si arintan aa uga hortago ka qowmiyad ahaan?. Sideese  ayaan uga hortagi karnaa in ilme danbe oo soomaali uusan mudan dhibaatada ay ka sheekeynayaan caruurtaas ay NRK wareysatay?

Iyada oo indhaha la is tireynin, sidee aan arintan uga abuuri karnaa dood caafimaad qabta, taas oo dhexdeena ah, kadibna aan wax la isku ogyahay ula hortagi karna dadka kale?.

Arintan kuma koobna oo kali ah dowlada, sideen soomaali ahaan ula soo wareegi karnaa mulkiyada mowduuca laga hadlayo(eierskap til tema), aana uga si wadajir ah xal ugu heli karnaa arintan?

Hadii aad heyso fikir iyo xal arintan ku saabsan, waxaa fadlan kaa codsaneynaa inaan qoraal ahaan noogu gudbiso, si aan dadka ula wadaano. Qoraalkaaga noogu dir: Norsomews@gmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments