Bashiir Hønefoss: Gudiga gurmadka qaran ee Norway

0
115
Mohamed Bashiir Hønefoss.
Tan iyo markii uu qaraxu ka dhacay magaalada Muqdisho 14.10.2017 , ilaa iyo maanta oo laga joogo 3 isbuuc ku dhawaad,waxaa guddiga gurmadka ee Norway oo ka kooban xubno si iskaa wax u qabso ah ugu kacay ay ku hawlanaayeen inay sameeyaan gurmad iyo taageero ay u fidinayeen dadkii qaraxaas ku wax yeeloobay,eheladoodii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeedba.
Guddiga oo ka kooban qaybaha bulshada oo rag iyo dumarba leh ayaa iyaga oo la tashaday odayaasha,waxgaradka iyo culimada diinta ee Norway waxa ay howshooda ku bilaabeen si aan hagar lahayn iyaga oo ukala qaybiyey 3 qaybood oo kala ah:
1. Cambaaraynata falkaas bahalnimada ahaa
2. Dhaqaale ururin gaarsiisan Norway oo dhan iyaga oo muddo yar gudahood isku xiray caasimadda Oslo iyo magaalooyinka kale
3. Baroor diiq iyo taageero siyaasadeed oo heer sare gaarsiisan iyaga oo ay u suurto gashay inay baroordiiqaas ka soo qayb geliyaan masuuliyiinta u saraysa deegaanka Oslo oo duqii magaalada hogaaminaysay,halka ay dhanka dowladana ay soo casumeen wakiilka wasaaradda arimaha Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
 
Saddexdaa qodob oo aan kor ku xusayba waxa ay guddigaasi ka gaareen guul aad u weyn, oo aan la inkiri karin.
Dhanka dhaqale ururinta ayeey suurta geliyeen inay maalinti sabtida 28.10.2017 howl geliyaan dad fara badan oo iskaa wax uq abso ah oo qaada koombooyinka lagu ururiyo lacagta iyada oo lacagtii Oslo ka soo xerootay ee cadaanka ahayd ay qiyaas ahaan gaartay 50,000 Nok.
Halka ay magaalooyinkana ka soo xerrotay lacag aad u tira badan oo dhowaan guddigu shaacin doono sida loo kala bixiyey iyo tiradeedaba. Isku dar waxaa lagu wadaa inay soo xarooto lacag 700.000 NOK kor u dhaafeyso.
Guddigan oo aan hubo inay soo wajaheen caqabado iyo waxyaalo keeni karay in shaqadooda dib u dhac ka yimaado ayaa waxay hor istaageen wax kasta oo hakad gelin karay qorshahaas ballaaran ee ku salaysnaa waddaniyadda,baniaadamnimada iyo islaamnimadaba.
Guddiga ayaa waxay aad u isticmaaleen aqoontooda iyo khibradooda iyaga oo diiradda saaray fulinta howsha culus ee ay u istaageen.
Guddigan ayaan ahayn kuwa wajiyadoodu ku cusubyihiin bulshada Norway balse badidood waxay ka mid ahaayeen guddigii gurmadka abaaraha oo la ogaa sidii ay uga qayb qaateen abaarahii sanadka bilowgiisa saameeyey Soomaaliya iyo si wanaagsanayd ee lacagtii ay ugu gudbiyeen guddiga qaran ee loo xilsaaray.
Waxaan aniga oo magaca umadda Soomaaliyeed ku hadlaaya ammaan ballaaran u soo jeedinayaa guddigaas iyo intii garab istaagtay oo dhan. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa umaddaa soomaaliyeed oo dhan,gaar ahaanna intii ay masiibadani sida gaarka ah u taabatay iyo dhamaan intii eheladooodii iyo qarabadoodii ama asxaabtoodii wax ku gaareen qaraxaas, iyo kuwii ka dambeeyey ee maanta dhacayba.
Waxaan umadda soomaaliyeed farayaa inay u istaagaan sidii looga bixi lahaa dhibkan oo kale aanuna u soo noqon ,si loo gaaro nabad waarta oo ku baahda soomaaliya oo dhan.
Waxaanna umadda Soomaaliyeed ku baraarujinayaa ka qayb qaadashada howl kasta oo loogu gurmanaayo dalkii hooyo iyada oo laga fogaanaayo suaalaha aan daruuriga ahayn iyo wax kasta oo khilaaf iyo hakad ku keeni kara barnaamij kasta oo hurumarineed,ha ahaado mid dhaqaale,bulsho iyo siyaasadeedba.
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments