SV: Hala joojiyo dhalinyarada Afgaanistaan loo tarxiilayo.

0
118

Waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay warbaahinta Norway hareeyay kiisaska dhalinyaro reer Afgaanistaan u badan, kuwaas oo dowlada Norway ay sheegtay inay wadankoodii u tarxiili doonto, kadib markii ay 18 sano buuxiyeen.

Dhalinyaradan ayaa Norway imid iyaga oo kayar 16-sano, waxeyna heysteen magangalyo ay da´ ku xirantahay. Ilaa hada inta la ogyahay, waxaa Norway laga tarxiilay 10

Xisbiga SV ayaa soo jeediyay in si deg-deg ah loo istaajiyo tarxiilka dhalinyaradan, ilaa inta go´aan rasmi ah uu kasoo bixi doono baarlamaanka Norway oo doodan ay hortaalo. Waxeyna dowlada ka codsadeen inay keento cadeyn rasmi ah oo ku saabsan amaanka dalka Afgaanistaan oo hey´ado badan ay ka qeylinayaan.

Sidoo kale xisbiyada KRF, Rødt iyo MDG ayaa iyagana SV ku raacsan in si kumeel gaar ah loo joojiyo tarxiilka dhalinyaradan.

Xisbiga Ap oo dowlada horey ugu taageersanaa qodobkan ayaa hada shaki ka muujiyay, balse wax go´aan rasmi ah kama aysan soo saarin ilaa hada.  Hadii ay Ap kasoo horjeestaan, waxey dowladu lumineysaa aqlabiyada baarlamaanka ee go´aankaas.

SV ayaa hada soo jeediyay in gabi ahaanba la joojiyo tarxiilka caruurtaas, ilaa go´aan laga gaarayo arintan.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments