(VG): (Sweden/Norway): Nadaafada hilibka dukaanka Kurdiga ee laga soo adeegto oo si aad ah looga deyrinayo

0
269

Sida ay maanta ilaa shaley qorayeen warbaahinta dalkan Norway iyo kuwa Sweden(Akhri linkiyada hoose ee wargeysyada), waaxda ilaalinta nadaafada iyo caafimaadka cuntada ee dalka Sweden (Miljö- och hälsoskyddsinspektörer), ayaa aad uga deyrineyso nadaafada hilibka dukaanka BR Food oo ay soomaalidu u taqaan Karkuuk ama dukaanka Kurdiga.  (Akhri linkiyada hoose )

Waaxda ilaalinta nadaafada cuntada ee degmada Strömstad ee xuduudka Sweden ayaa afar maalin gudahood, sideed mar kormeer ku tagay dukaanka. Waxeyna sheegeen in dukaanku uusan buuxinin shuruudaha waaxdu ay u dajisay goobaha lagu iibiyo cuntada. Waxyaabaha ay sheegeen inay dukaanka kusoo arkeen, ayaa waxaa kamid ah in biyo aan nadiif aheyn oo ka imaanayo firinjeer iyo saqafka kore, ay kusoo da´ayeen hilib aan baceysneyn oo dukaanka dhexyaala. Waxeyna raaciyeen in cayayaanka yaryar ay si fudud kusoo gali karaan lokalka dukaanka.

När miljöförvaltningen i Strömstad – än en gång – besökte Br Food i Svinesund upptäckte de att köttet fortfarande är smutsigt och omärkt (akhri linkiyada hoose)

Sidoo kale waxey sheegeen inay dukaanka kusoo arkeen alaab aysan ku qorneyn wadanka lagu sameeyay ama waxa ay ka koobantahay cunto ahaan, sida waajibka ku ah dhamaan shirkadaha sameeyo cuntada.

Daniel Lomgård Lans oo katirsan waaxda nadaafada ayaa warbaahinta u sheegay inay sanadkan isku dar booqdeen 10 meelood oo xuduudka ah, balse waxyaabaha ay ku arkeen dukaanka BR FOOD uu yahay kan ugu daran oo ay soo arkeen. Wuxuu sidoo kale raaciyay ineysan ilaa hada booqasho ku wada tagin dhamaan dukaamada kale ee xuduudka ee cuntada lagu iibiyo.

(Vi har totalt ti butikker i vår kommune som tilhører samme butikktype som BR Food. Vi har ikke kontrollert alle ennå i år, men så langt er funnene hos BR Food noe verre enn hos de andre, sier han til HA).

 

Waaxda ayaa sidoo kale dukaanka ku heysato dhowr qodob oo kale, waxaana kamid ah in nadaafada hoolka, iyo firinjeerka alaabta lagu keydiyo aysan aheyn mid heerkii loogu talo-galay ah.

Milkiilaha dukaanka ayaa wargeysa HA u sheegay inay ka shaqeynayaan hagaajinta waxyaabaha lagu heysto. Ayna dib udhis wadaan dhismaha dukaanka, ayna furi doonaan qeyb cusub oo hilibka ah, isaga oo diiday inuu intaas wax ka badan wargeyska u sheego.

Milkiilaha dukaanka ayaa iska fogeeyay inuu sameeyay wax sharci daro, iyada oo waaxda nadaafadu ay sheegtay inay lasii socon doonto dukaanka iyo waxyaabaha ay ku heystaan.

Xigasho/kilde:

VG.NO

Radio Sverige

Halden Arbeidsblad

Vestby-avis

Moss-avis

Smaalens Avis

Sarsborg-Arbeidsblad

Fredrikstadblad 

Østlands-posten

Indre Akershus Plus

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments