Sweden oo ka noqotay musaafurinta haweeney 106 sano jir ah

0
156

Maxkamada socdaalka ee magaalada Gotoberg ayaa dowlada Sweden ka hor istaagtay go´aan ay ku musaafurin laheyd haweeney qoxooti ah oo 106 sano jir ah. Maxkamada ayaa go´aanka musaafurinta haweeneydan ku tilmaantay mid argagax leh, waxeyna aqbashay codsiga haweeneyda oo ahaa inaan loo celin dalka Afgaanistaan sababo la xiriira caafimaadkeeda.

Ayeeyadan 106 sano jirka ah ayaa dalka Sweden soo gashay sanadkii 2015, waxaana soo tahriibiyay wiil ay ayeeyo u tahay.  Go´aanka maxkamada ayaa dhigayo in haweeneydan ay heysato magangalyo 13 bilood ah, kadibna ay soo codsan karto in magangalyada loo cusbooneysiiyo.

Maxkamada ayaa sheegtay in Afgaanistaan aysan hada aheyn mid lagu celin karo qof nabadgalyo daro darteed halkaas uga soo qaxay.

Xigasho/kilde: BBC.CO-UK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments